Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa si rasmi ah u sheegtay in dowladda Soomaaliya u gacan-galisay sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo toddobaadkii hore lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Warbaahinta Dawladda Ethiopia Dr. NEGERI Lencho ayaa Wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Soomaalia ay u soo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa Ururka ONLF ee Dagaalka kula jirta Dawladda Itoobiya.
“Waxaan kuu xaqiijinayaa in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis naga dhaxeeya dowladda Soomaaliya. Masuulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah Urur argagixiso ah” ayuu yidhi
Dowladda Soomaaliya oo arintan wax laga weydiiyay waxaa ay ku gaabsatay in ay ka hadli doonto waqtiga ku habboon, laakiin ma ayna bixin faah faahin intaa ka badan.
ONLF ayaa dhinacooda ku eedeeysay dowladda Soomaaliya in ay Itoobiya u gacan galiyeen Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), waxaana ay arintaan ku tilmaameen mid xad gudub ku ah xeerka caalamiga ah.