Engineer Xuseen Ibraahim Buuni oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ayaa shirjara’id oo uu ku qabtey Hargeysa waxaa uu ku baaqey in Beelaha Gabooye saami loo siiyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, maaddaama Guddoomiyaha Golaha wakiilada hadda loo doortey Baashe Maxamed Faarax oo kasoo jeeda Gobolka SOOL oo muddo badan tabasho saami qaybsiga ahi ka jirtey.
Sidoo kale, waxaa loo doortey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Axmed-yasiin sh. Cali Ayaanle oo kasoo jeeda deegaanka Awdal, tabasho la mid ahina ka jirtey oo ku saabsan saami qaybsiga kuraasta qaranka.
Eng Xuseen Buuni oo hadalkiisa sii wata ayaa ka war bixiyey in ay hore Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo uu Qalinka ama magacaabis xilal misaan leh tabashadii labada degaan ee SOOL iyo AWDAL iyaga oo loo magacaabey xilal misaan leh.
Waxa sidoo kale uu Eng Buuni ka dhawaajiyey muhiimada ay Qaranka iyo wax wada lahaanshaha u leedahay in golayaasha qaranka ay hoggaamiyaan Beelaha darafyada ee tabashadu ka jirto.
“Somaliland waa dal ay ka hirgashay laba nidaam oo isbarkan kuwaas oo afka qalaad lagu yidhaahdo (Hybrid State), nidaamka awood qaybsiga beelaha (clan power sharing) iyo nidaamka casriga ah ee hal qof iyo hal cod ee dimuqraadiga ah. Waxay wax weyn ka tareysaa Guddoomiyenimada Baashe Maxamed Faarax iyo ku-xigeenka 1aad ee Axmed-yaasiin sh. cali ayaanle, tabashadii saami qaybsiga ee ka jirtey labadaas degaan ee Sool iyo Awdal.”
Eng Xuseen Ibraahim Buuni oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE wuxuu ku taliyey in ay hadda dhiman yihiin in saamigoodii ay qarankan ku lahayeen la siiyo Beelaha Gabooye oo loo doorto Guddoomiyaha Golaha Guurtida si looga midha-dhalliyo tabashada mudada dheer soo jiitameysay ee ay beelahani ka tirsanayeen saami qaybsiga qaranka. “Sawirka guud ee Qaranimada iyo wax wada-lahaanshaha ee Somaliland wax badan ayey ka tareysaa in Beelaha Gabooye la siiyo Guddoomiyaha Guurtida..” ayuu yidhi.
Ugu dambayn, Eng. Buuni wuxuu farriin u direy Shir-guddoonka Golaha Wakiillada sidii ay u dardergelin lahayeen ansixinta nidaamkii kuraasta Kootada ah loogu xidhayey Beelaha Gabooye iyo Haweenka.