Somaliland: Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Oo Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenkooda Koowaad Ku Miisaamay Qaran-nimada Iyo Wax Wada Lahaanshaha Reer Somaliland

Date:

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay Cod Aqlabiyad ah Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golahaasi ugu doortay Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda Gobolka AWDAL.

Fadhiga oo uu Guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, waxaa fadhiyay 71 Xildhibaan, waxaana Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle u codeeyay isla-markaana Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u doortay 50 Xildhibaan, halka Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo la tartamay uu helay 16 cod, Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahina uu isna helay hal cod oo keliya.

Jagadan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa banaannaatay kadib markii Baashe Maxamed Faarax oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada muddo 12 sannadood ah loo doortay Guddoomiyaha golahaasi 6-dii bishan 2017, taasi oo ka dambaysay iscasilaaddii Guddoomiyihii hore ee Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo hadda ah Guddoomiyaha iyo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee la doortay oo ah Nin Dhallinyaro ah, ayaa doorashadiisa ka dib Saxaafadda uga warramay dareenkiisa iyo sida uu arko iyo Saddexda Xubnood ee Shir-guddoonka ka ah Golaha Wakiilladu dhammaantood yihiin Xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaanu yidhi “Dareenkaygu waxa weeyaan in Masuuliyad intii hore ka badan baa i fuulay, oo ah Hoggaaminta 82 Mudane oo kala Aragti ah, kala Axsaab ah, kuwaasi oo la doonayo isku-hayntooda iyo inay Danta Qaranka meel uga soo wada jeedsadaan, wixii loo igmaday ay ka soo baxaan, Dalka Shuruucda u sameeyaan, Siyaasadda Dalka hagaan, markaa waxaan ILAAHII igu guuleeyay (Jagadan) waydiisanayaa inuu Asturaaddana ii raaciyo.”

Guddoomiye Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la waydiiyey sida uu u arko in Shir-guddoonka Wakiilladu Muxaafid yahay, maaddaama oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Isaga oo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ah iyo Dr. Cali Yuusuf oo ku-xigeenka labaad ah dhammaantood ka soo jeedaan Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ku jawaabay “Wax cusub maaha in Koox isku dhinac ahi ay Shir-guddoon wada noqdaan, Maaddaama oo Markii 2005-tii la doortay Golaha ay KULMIYE iyo UCID oo Mucaarad ahaa ay qaateen Shir-guddoonkii, waa lagu qasbanaaday in intii kale aqbasho, markaa Maanta haddii nasiibku keenay in Shir-guddoonku Muxaafid wada noqday, way ku qasban yihiin inay qolooyinka kale aqbalaan. Markaa taa Macnaheedu maaha inay taasi Cadaaladda ka fogaynayso Shir-guddoonka oo uu Shir-guddoonku siyaasad Xisbi fulinayo, marka ay hoggaamin noqoto waxaanu ballan-qaadnay, rasmina naga ah in Mudaneyaasha Golaha ee la hoggaaminayo lagu hoggaamiyo Caddaalad, oo Hoggaaminta dhex baa laga ahaanayaa.”

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo la waydiiyey Sawirka ay bixinayso in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka soo jeedo Gobolka Sool, ku-xigeenka koowaadna ka soo jeedo Gobolka AWDAL, ayaa ku jawaabay “Sawirka (ay bixinayso) in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka soo jeedo Gobolka Sool, Guddoomiye ku-xigeenka koowaadna ka soo jeedo gobolka Awdal, wuxuu muujinayaa Sawir Qaran-nimo, wuxuu muujinayaa Sawir wax wada-lahaanshiyo, wuxuu muujinayaa Sawir wada-jir.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inuu Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ku bogaadinayo inay lahaayeen Fikirka ah in Xisbigu taageero in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu noqdo Xildhibaan ka soo jeeda Sool, Guddoomiye ku-xigeenka koowaadna noqdo Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka AWDAL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...