Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Shalay Dhagax-dhigay Barkad Afraad oo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ugu talo-gashay inay ka mid noqoto Barkadaha Biyaha loogu kaydiyo Caasimadda, marka la dhamaystiro Mashruuca Biyo-ballaadhinta ee laga soo bilaabay Ceelasha biyo-saarka ee Geed-deeble ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa.
Berkaddan Keydka Biyaha loogu talo-galay oo qayb ka ah illaa 9 Bekadood oo ay Maalgelinayaan Dawladda Jarmalka iyo Shirkadda Cocola Africa Foundation, ayaa waxa laga dhagax-dhigay Xaafadda Sheedaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay dhagax-dhigga Masuuliyiin door ah, kuwaasi oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Maxamed Aadan Qabo iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey Ahmiyadda Biyuhu u leeyihiin Dadka, isagoo xusay inay Xukuumad ahaan waajib ka saaran yahay inay Shacabka Caasimadda ka haqab-tiraan Biyaha.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaannu halkan u nimid in aanu dhagax-dhigno Berkaddan Kaydka Biyaha loogu tallo galay magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Sheedaha oo ah Berkadii Sagaalaad ee magaalada laga qodayey ee ka mid ahayd mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda. Shirkadda Cocacola Afrika Foundation waxay qodaysaa Afar Berkadood oo ka mida sagaalkaas, oo tani ay ku Afar tahay, saddexda kalena shaqadoodii way socotaa imika. Berrkad waxa laga qodayaa xaafadda Masalaha, Berkadna xaafadda Ina Naxar, Berkadna Siinge-siingaha ayaa laga qodayaa, waxa jira shan Berkadood oo kale oo ay dawladda Jarmalku maal-galisay oo Afartan la mid ah. Sagaalkaa Berkadood waxay kaydin doonaan biyo dhan 16 000 meter cubic, magaaladu waxay hore u lahayd laba Berkadood oo qudha, xiligii dawladdii Ingiriiska hal Berkad ayey lahayd, oo 1000 meter cubic qaadda, xiligii dambe ee Kacaankana waxay Shiinuhu dhiseen hal Berkad oo kale ooo 3000 meter cubic qaadda, afartaas kun ayaa kayd inoo ahaan karayey.”
Wasiirka Madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Biyuhu sida la oghahay waa hal-bawlaha iyo saldhigga nolosha, halkana waa caasimaddii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ku nool bulsho aad u faro badan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun oo qof gaadhaya. Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxay u ahayd bar-tilmaameed in dadka caasimadda ku dhaqani ay helaan biyo ku filan, 1,200, 000 oo Qof oo cabba biyo loogu tallo galay 120, 000 oo qof, waad garan kartaa culayskeeda. Sidaas darteed ayaannu u aragnay inay muhiimad weyn tahay biyaha caasimadduna ay hal-bawle yihiin, mashaariicda ugu mudana yihiin, qorshe ayaannu samaynay Xukuumad ahaan, qorshihii aanu samaynay ayaanu dunida u bandhignay, waanu u yabooh tagnay, Lacagta biyaha caasimadda lagu samaynayaa lacag yar maaha, $ 61 Milyan oo Doollar ayaa Maanta galaya, oo dhaqaale aynu u baahan nahay in la nagu taageero.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaanu u mahad naqaynayaa hal-abuurkii aanu la nimid Dunidii naga taageertay, gaar ahaan dawladaha Midwoga Yurub oo bixiyey lacago ilaa 30 milyan ah, dawladda Jarmalka oo bixisay ilaa $23 milyan, Shirkadda Cocacola Afrika oo bixisay ilaa $5 Milyan oo doollar, iyo $2 Milyan oo doolar oo sanduuqa SDF laga kabayo gaabkii soo baxay, iyo Hal Malyuun oo ay Xukuumaddu bixinayso, waa $61 Milyan oo doolar, waa lacag aad u badan, waxa laga yaabaa in dad badani la yaabo, biyuhu qalabkoodu waa qaali, waxaana loo samaynaa nidaam casri ah, dhul badan ayaa la isku xidhayaa, dadkaas badana waa la waraabinayaaa.”
Wasiirka oo Sharraxaya Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa ayaa yidhi “Biyuhu laba Weji ayey lahaayeen, Wejigii koowaad oo beeb casri ah la dhigayey hadda gabagabo ayuu ku dhaw yahay, Wejiga labaadna waa mashruuca labaad oo aanu ku rejo-waynahay inuu 2018-ka dhamaado, ILAAHAY ayeynu ugu mahad celinayaa, dhammaan dadkii inagu taageerayna waynu u mahad celinaynaa, waxaan is leeyahay muhiimaddii mashaariicdaa loo sameeyey waa la xaqiijiyey, dhammaan mashaariicdaasina waxay u hano qaadeen sidii laagu tallo galay.” Ayuu yidhi Wasiirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood oo isaguna ka hadlay Munaasibaddii lagu Dhagax-dhigay Berkadda Keydka Biyaha, ayaa yidhi “Barkaddani waatii Afraad oo dhismaysa, iyadoo Guud ahaan Magaalada Hargeysa ay u qorshaysan yihiin 9 Barkadood (oo Keydka Biyaha ah), Shan ka mid ah Barkadahaasi waa Mashruuca Jarmalka, Afarna waa Mashruuca uu Maalgeliyo Cocola Africa Foundation.”
Maareeyuhu wuxuu sheegay in Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa uu yahay mid ballaadhan oo qaybihiisu is dhamaystirayaan “Waa Mashruuc ballaadhan oo ka kooban qaybo badan, oo is-dhamaystiraya. Marka qaybahaasi isku wada dhacaan ee ay dhamaystirmaan ayuu Mashruucu noqonayaa mid si fiican u shaqeeya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimaddu dhamaanayo Sannadka soo socda, “Mashruucii ka soo socday Geed-deeble gabogabo ayuu ku dhow yahay, waxyaabihii ka dhinnaa sida isku xidhka Ceelasha iyo Beebka la dhisayo in Dhaqaalahoodii la helay. Waxaan doonayaa inaan halkan uga Hambalyeeyo Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo Lacagtii Mashruucaa ka hadhsanayd oo Hal Milyan oo Dollar ahayd la isla gartay in lagu daro Miisaaniyadda Dawladda ee Sannadka soo socda, taasi oo ah intii ugu dambaysay ee Mashruuca ka dhinnayd.”
Mashruucan oo Sannadkii 2015-kii uu dhagax-dhigay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhaqaalihiisa waxa bixiyey Dalalka Midowga Yurub, Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, waxaana fulinaysa Hay’adda UN Hapitat oo kaashanaysa Shirkado qandaraas la siiyey.
Markii la dhagax-dhigay waxa Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa sheegay in la dhamaystirayo dabayaaqada Sannadkii 2016-ka, laakiin si kasta oo wax u dhaceen sida Wasiirka Madaxtooyada iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu sheegeen dhamaystirka mashruucani wuxuu dib ugu dhacay Sannadka 2018-ka.