Somaliland: Heshiis Cusub: Somaliland Iyo Khaatumo Oo Isku Raacay In Meel Looga Soo Wada Jeedsado Faro-gelinta Dawladda Soomaaliya Iyo Diyaaradaha Oo Loo Digay

Date:

Dawladda Somaliland ayaa Heshiis hor leh la saxeexatay Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, Heshiiskaasi oo noqonaya kii labaad ee ay kala saxeexdaan intay Wada-hadalladu u socdeen.

Heshiiska cusub ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo oo Shalay lagu shaaciyey Shir-jaraa’id oo Guddiyada Somaliland iyo Khaatumo u matalaya Wada-hadalladu ku qabteen Hargeysa, ayaa ka kooban 10 Qodob, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in meel looga soo wada jeedsado faro-gelin Dawladda Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedka Puntland ku hayaan Deegaannada Somaliland ee bariga, gaar ahaan Magaalada Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo Qodobbada Heshiiskani ka kooban yahay u akhriyey Warbaahinta ayaa yidhi “Maanta (Shalay) oo Taariikhdu tahay 27-ka bisha 8-aad, 2017, waxa halkan (Hargeysa) lagu soo gabogabeeyay Shir ay iskugu yimaaddeen Wefti ka socda Khaatumo iyo Madax ka tirsan Somaliland, waxaana Shirkaa ka soo baxay qodobbadan Hoos ku xusan:-

  1. Waxaanu Tacsi u diraynaa Eheladii iyo Qaraabadii Dadkii Dhimashadu ka soo gaadhay isku dhici dhawaan ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee dhex maray Labada Reer ee Walaalaha ah.
  2. Waxaanu Hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa Odayaashii iyo Waxgaradkii ka hawl-galay, ILAAHAYNA ku guuleeyay inay soo afjaraan shaqaaqadii halkaa ka dhacday.
  3. Waxaanu isla garanay in Meel looga soo wada jeedsado Xaaladda cusub ee ka aloosan Buuhoodle.
  4. In Maamullada Garoowe iyo Muqdisho ay joojiyaan faro-gelinta qaawan ee ay ka wadaan Deegaannada Somaliland guud ahaan, gaar ahaana Buuhoodle.
  5. In Caalamku ogaado in wixii dhibaato ah ee ka dhaca Buuhoodle ay ka masuul yihiin labada Maamul ee Garoowe iyo Muqdisho.
  6. In Maamulka Puntland joojiyo dhibaatada uu ku hayo Nabadda iyo Geeddi-socodka Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland.
  7. In Garaadada, Cuqaasha iyo Waxgaradku si wada jir ah uga hor-tagaan wixii dhib iyo dhaawac nabadda Dadka gaadhsiinaya.
  8. In Somaliland aanay marnaba aqbali doonin in meel ka mid ah lagu qabto Shir lagu kala-qaybinayo Dadka iyo Dalka Somaliland, laguna burburinayo Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo.
  9. Waxaanu uga digaynaa Diyaaradaha iyo Hay’adaha Diyaaradaha inay fasax la’aan uga soo degaan Garoomaha (Buuhoodle) si loo sugo ammaankooda.
  10. Waxa la Magacaabay Guddi laba Geesood ah oo talo-bixin ka soo jeedin doona Qabashada Shirweynaha loo dhan yahay.”

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay  “Ujeeddada Shirarka laga leeyahay waa Somaliland oo mid ah oo isku niyad-san, oo Sinnaan iyo Caddaalad Cid walba ka hesho. Shirku wuxuu qabsoomayaa Dabayaaqada bisha September, haddanay wax kale imanin oo aanay naga weecinin.”ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha gudaha Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo isaguna joogay Goobta Heshiiskani ka dhacay ayaa faahfaahiyey Tirada Guddiga loo saaray soo diyaarinta Shirka loo dhan yahay ee Khaatumo iyo Somalland, “Labada dhinac waxay saareen Guddi ka kooban 8 xubnood, Afar iyo Afar ah, kuwaasi oo shaqadoodu tahay inay soo diyaariyaan Shirweynaha la iskugu imanayo, Ajandihiisa, Tirada Ergooyinku noqonayaan, Madasha Shirka lagu qabanayaa halkay noqonaysaa, Muddada Shirku soconayaa intay noqonaysaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey sababta uu Cali Khaliif Galaydh oo Hargeysa joogaa uu u iman waayay Goobta Heshiiska lagu kala saxeexday “Cali Khaliif Galaydh waa Madaxweynaha Khaatumo, Dhiggiisu waa Siilaanyo, Siilaanyo meesha la fadhiyo, Cali-na ma fadhiyo, waxaanu ku fadhinaa labadii Guddi ee Wada-hadallada soo waday.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...