Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka dib markii uu arkay waayo-aragnimada iyo khibraddooda dhinaca siyaasadda. Sida oo kale na raacaya xeerka Xisbigaasi, waxa uu hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI uu ku daray Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsanaa Xisbiga WADDANI.
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sidan ku sheegay War-saxaafaddeed uu ku saxeexan yahay, ayaa u dhignaa sidan;-
Ujeedo: Xubno Lagu Kordhiyey Hoggaanka Xisbiga WADDANI
Markaan darsay Qodobka 30aad Farqaddiisa 6aad iyo 15aad ee xeerka xisbiga WADDANI
Markaan arkay Muhiimadda ay xisbiga u leeyihiin xubnahani
Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka xisbiga Waddani
Markaan ku qancay: Aqoonta Waayo-aragnimada iyo khibradda ay leeyihiin
Kadib markii aan arkay aqoonta, waayo-arragnimada iyo khibradda xubnahan, aniga oo tix-raacaya xeerka xisbiga Waddani qodobkiisa kor ku xusan, waxan maanta oo ay taariikhdu tahay 25th August, 2017. Go’aamiyey in Dr Maxamed Cismaan Fadal iyo Md Cabdi Haybe Maxamed ka mid noqdaan xubnaha hoggaanka xisbiga Waddani.
Waxaan Eebe uga baryeynaa inuu xilka u fududeeyo
Allaa Mahad Leh
Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI