Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa amartay in mushaharkii bishan August loo horumariyo ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo intii u danbaysay Shalay Arbacadii loo sii daayey, halka shaqaalaha dalkana loo sii dayn doono Mushaharka inta ka horaysa Ciidal Adxaha.
Ciidamada Milletariga iyo Booliiska Somaliland ayaa loo sii daayey Mushaharkoodii 20-kii bishan August, halka ciidamada Asluubta, Ilaalada Xeebaha iyo Laanta Socdaalka loo sii daayey mushaharkii 23-kii bishan oo ku beegnayd Shalay.
Sidoo kale, Maalinta Sabtida ayaa Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare oo ay hoos-tagaan macalimiinta dalku loo sii dayn doonaa Mushaharka, halka dhammaan shaqaale-weynaha dalka la filayo in loo sii daayo mushaharkooda bishan inta ka horaysa Ciidal Adxaha.
Munaasibadda Ciidal Adxaha ayaa dhammaan dunida Muslimka looga dabaal dagi doono 10-kan Dul-Xija 1438, oo la filayo inay ku beeganto 1-da September 2017-ka, waxaanay Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan go’aansatay in loo sii qaddimo Mushaharka inta ka horaysa Ciidda si dhamaan shaqaale-weynaha Somaliland iyo qoysaskooduba ugu muraadsadaan Ciidda ka hor, isla-markaana maalintan weyn ay farxad la wadaagaan dhamaan shucuubka Islaamka ee ay u dabaal dagi doonta Ciidal Adxaha.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa Shacabka Somaliland iyo shaqaale weynaha dalka Illaahay uga bariday in Ciidda uu ku gaadhsiiyo nabadqab iyo barwaaqo.
Sidaana waxa uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay isla-markaana