Magaalada Buuhoodle waxa ka socda Shirar lagu Heshiisiinayo Laba Beelood oo Dhawaan halkaasi ku dagaalamay, ka dib markii mid ka mid ahi diidday in la Qisaaso Gacan ku dhiigle Dilay Nin.
Shirarkan ayaa waxa wada Ergooyin Nabadeed oo Qaarkood ka yimaaddeen Magaalada Muqdisho Maalintii Dagaalku ka dhacay ka dib, kuwaasi oo doonaya in Waan-waan lagu dhameeyo Waxa dhex yaalla Labada Beelood ee Walaalaha ah.
Ergooyinkan oo marka la isku geeyo Tiradoodu gaadhayso 50 Xubnood oo qaarkood yihiin Isimo iyo Garaado, ayaa waxay ku guuleysteen in kala qaado Maleeshiyaad labada Beelood ah oo is hor-fadhiyey, waxaana Shalay loo Gudbay Wejiga labaad, waxaana la isa soo hor-fadhiisiyey Odayaasha labada Beelood ee Dagaalamay, waxayna ku heshiiyeen in mid walba dhankeeda laga soo xulo 15 Xubnood, si 30-kaa Qof ay Arrimaha dhex yaalla uga wada-hadlaan.
Sidaana waxa Shaaciyey Ergada Nabadeed ee hawshan Gacanta ku haysa “Labadii Beelood iyagaa Maanta (Shalay) isa soo hor-fadhiistay, iyadoo Guddiga dhexdhexaadintuna dhinac fadhiyaan, Qolo walba 15 Xubnood oo Guddiya ayaanu ka soo xulnay, waa la wada Hadashiiyey, waxa la isla gartay iyaguna ku heshiiyeen, in iyagu ay Arrinkooda dhamaystaan oo ay wada-hadlaan, waxaanuna ku niyadsan nahay inay dhamaysanayaan.”sidaa sheegay Khadar Cali Jaamac oo ah Guddoomiyaha Ergada Nabadeed.
Xubin kale oo ka mid ah Ergada oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa lagu guuleystay Dejinta Magaalada iyo kala Raridda Ciidammada, waxaana loo gudbay Wejiga labaad oo ah in laga wada-hadlo Dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay..”
Ugu dambayn, Xubin ka mid ah 30-ka Xubnood ee laga soo xulay Labada Beelood oo isaguna Warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Hawshaasi sida ay tahay ayaanu u galaynaa, wixii nagaga soo beegmana sida ay tahay ayaanu u qabanaynaa, wixii nagu adkaadana waxaanu u soo gudbinaynaa Isimada..”