Somaliland: Mid Ka Mid Ah Mujahidiintii Madaxweyne Siilaanyo Uga Soo Horeeyay Ururkii SNM Oo Si Qoto Dheer Uga Waramay Halgankii Xoraynta Dalka, Kana Waramay Xilligii Madaxweyne Siilaanyo Kusoo Biiray SNM

Date:

Muj Axmed Maxamed Aadan(Axmed Dheere) oo kamida Mujahidiintii Asaasay ururkii xoraynta dalka Somaliland ee SNM , islamarkaana ka mid ahaa Ragii SNM kusoo dhaweeyay Madaxweyaha Talada dalka Haya ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyo sidoo kale Madaxweynihi Hore Alle ha unaxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) ayaa sharxaad dheer ka bixiyey Halgankii losoo galay Xoraynta dalka iyo doorkii Laxaadka lahaa ee ay ka qaateen ururkii SNM.
Mujaahid Axmed Dheere oo waraysi gaara siinayay Wargeyska Foore ayaa si qoto dheer uga warbixiyay Ururkii Xoraynta dalka ee SNM Waxaana Kamid ahaa Hadaladiisi “ Ururkii SNM waxaan ku biiray sanadkii 1982kii, waxaana la asaasay 1981 xilligaas aan ku biiray waxaa ka SNM gudaheeda ka jirtay xalaad adag waxaana xilliga joogay Raggi ku dhawaaqay Ururka oo uu ka mid ahaa Axmed Jimcaale, xilligaas SNMta waxaanay uu muuqatay inanay Jirayn, waxnaan xilligaas Aan Noqday Xoghayihii London ee ururka SNM, waxaana xilligaas Gudoomiye ka noqday alle ha unaxristee Nin la odhan Ina Badhyo Cune”
Sidoo kale Muj Axmed Maxamed Aadan(Axmed Dheere) ayaa isbarbar dhiig ku sameeyay Awoodii ay lahayd Ururkii SNM iyo dagaalkii ay la galeen doo kale cuduudii ay lahayd dawladii ay iska soo horjeedeen ee Maxamed Siyaad Barre “ waxaanu ahayn Saddex nin oo Qaxoonti ah oo lahayn basaaboor islamarkaana doonaaya inay la dagalamaan Dawlad dhan oo leh safaarad, markaas hawshaas waxaa ay noqotay mid adag, Anaga oo markaas dhalinyaro ah ayaanu halkii ka galnay Halgankii, SNMna maanta waa ay heshay Tacabkeedii maxaa yeelay waxaa aynu ku hoos jirna Calankii iyo qarankii Somaliland”.
Dhanka kale Muj Axmed Maxamed Aadan(Axmed Dheere) ayaa iftiimiyay Nidaamkii uu Madaxweyne Siilaanyo ugu soo biiray ururkii SNM, iyo kaalinta uu ka qaatay geedi socodkii iyo Horumarintii Ururkii SNM waxaana markale hadaladiisi ka mid ahaa “ Sanadkii 19983kii ayaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kusoo dhaweynay SNM markaas waxaa uu ahaa Nin siyaaysi ah oo muuqday, sidaas daradeed Sumcadii SNM-tu waa ay kasii korodhay intii horre, hadaana sanadkii 19984kii waxaa nagu soo biiray Alle ha unaxaristee Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Tuur, mudadaas gabaan ee afarta sanadood ah Wejigii SNMta waa uu isbadaley, waxaana kusoo biiray Ragg magac iyo maamuus leh”.
Muj Axmed Maxamed Aadan(Axmed Dheere) isagaa oo hadaladiisa sii wataa waxaa uu ka Hadley hawlihii ay qabanjireen ururkii SNM iyo dariiqooyinkii ay uu marijireen xoraynta iyo madaxbanaanidii Jamhuuriyada Somaliland “ waxyaabaha Ugu waaweynaa ee aanu qabanjirnay waxaa kamida ahaa mudaharadaadii aanu kala hortagi jirnay safaradii Soomaaliya iyadaa oo aan lahayn wakhti joogta ahaa, waxaanu samaayn jirnay qoraalo iyo wacyigelino joogto ah, maxaa yeelay waxaanu la dagaalamaynay dawlad Icriraaf ka haystaa Calaamka, xilligaas dawladii kacaanku waxaa ay kamid ahayd Dawladihii ugu awooda badnaa Soomaaliya Maxaa yeelay waxaa ay ku hoos jirtay dawlada Mareykanka oo ahayd dawlada ugu awooda badaneyd calaamka waxaanu markeyanku Dawladii siyaad barre uu ahaa Garab iyo gashaan “ ayuu Yidhi Mujahiid Axmed Maxamed Aadan(Axmed Dheere).
Gabagabdii Mujahiid Axmed Maxamed Aadan(Axmed Dheere). Waxaa uu si weyn uu dhaliilay Dadka dhaleeceya ururkii Xoraynta dalka ee SNM wuxuuna sheegay inuu shaqsiyaan markaste ku fanaayo dadaalkii ay SNM gelisay xoraynta dalka, wuxuuna Mid xaqiiqda ka fog ku tilmaamay shaqsi kasta oo Eedo usoo jeediya Mujahadiintii ururkii SNM “ horta Snm dadba dhaliila oo markaste yidhaahda Siyaasad may lahayn, sidanbay ahayd, waxaan leeyahay waa ay adagtahay inaad dal Aad qaxoonti ka tahay aad Jabhad ka noqotay oo Aad dagaal la gasho dawladii Afirka ugu Quwaada weynayd, Hargeysa markii Horre tuulo ayay iska ahayd, marka Tacabkii SNM waa horumarka kasoo ifaaya dhamaan Magaalooyinka Somaliland, sida Borama, Hargeysa, Burco Berbere oo midkaste maanta isku Filantahay , marka Dadka markaste SNM dhaliila anigu waan kasoo horjeeda “ ayuu Yidhi Mujahid Axmed Maxamed Aadan(Axmed Dheere).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...