Somaliland: Qaybinta Kaadhka Codbixiyayaasha Oo Saaka Si Rasmi Ah Uga Bilaabmaysa Gobolada Sool Iyo Sanaag,Masuuliyiinta Xisbiyada Oo Kormeeraya Deegaanada Labadaasi Gobol Iyo Cabsi Laga Qabo In Maamulka Puntland Ay Carqaladeeyaan

Date:

Waxa saaka oo Sabti ah bishuna ay tahay 12.8.2017 si rasmi ah gobolada Sanaag iyo Sool uga bilaabmatay qaybinta kaadhka codbixiyayaasha ee labadaasi gobol.

Waxaana saaka shacabku u dareereen qaadashada kaadhka codbixiyayaasha labdaasi gobolka ee Sanaag Iyo Sool oo ah labadii gobol ee ugu danbeeyey ee laga qaato kaadhkaasi.

Masuuliyiinta xisbiyada Qaranka Somaliland oo ku sugan Laascaanood ayaa kormeeraya saaka goobaha ay ka bilaabmatay qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha ee goboladaasi,waxaana waftigii uu hogaaminayay murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ay saaka u baxayaan degmada Xuddun ee gobolka Sool oo kamid ah degmooyinka la dhigay sanaaduuqda ay ku jiraan kaadhadhka codbixiyayaashu,halka masuuliiyiinta kale ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID-na ay kormeerayaan deegaano kale oo ay ka socoto qaybinta kaadhka codbixiyayaashu.

Dhinaca kale waxa laga cabsi qabaa in maamulka Puntland ay carqaladeeyaan deegaano ka tirsan gobolada Sanaag iyo Sool oo ay saaka ka bilaabmatay qaybinta kaadhka codbixiyayaasha,waxaana xukuumadda Somaliland ay ciidamo tiro badan gaysay deegaanka Xuddun ee gobolka Sool oo shalay ay ka dhacday shaqaaqo kooban oo lagaga soo horjeeday sanaadiiqda la keenayo degmadani.

Maamulka Puntland ayaa shalay ku goodiyay inaan gobolada Sool iyo Sanaag la keeni Karin sanaadiiq ay ku jiraan kaadhka codbixiyayaashu,iyaga oo sheegtay in labadan gobol ay ka tirsan yihiin maamulkooda,sidoo kalena waxay ku goodiyeen inay carqaladayn doonaan deegaanada ay ka bilaabmayso kaadh qaybintu.

Gabagabadiina saaka si nabad ah ayay deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag uga bilaabmatay qaybinta kaadhka codbixiyayaasha ee gobolada Sanaag iyo Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...