Somaliland: Guddiga Anshaxa Ee Komiishanka Doorashooyinka Oo Digniin Kama Danbeys Ah U Diray Axsaabta Siyaasadda

Date:

Guddiga Anshaxa u qaabilsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani, UCID u diray digniin kama danbeys ah, iyagoo uga digay inay sameeyaan olole baal-marsan sharciga, iyagoo u soo jeediyey inay ku dhaqmaan xeerkii anshaxa ee ay hore u saxeexeen. Sidaana waxa lagu caddeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Anshaxa u qaabilsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay ku saxeexan yihiin Afar Xubnood oo Guddigaasi ka mid ah, waxaanu u qornaa sidan “Tixraac qoddobka 7aad farqadiisa 13 iyo 14 ee Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee kaadh-qeybinta lana saxeexay April 2017, tixraac tallo soo-jeedin guddida anshaxa 13 July 2017, tixraac go’aanka Anshax Marinta ee Guddida Doorashooyinka Qaranka oo dhan ka ahaa xisbiyada Waddani iyo Kulmiye sumadiisuna aheyd KDG/XK/089/2017 kuna taariikheynaa 17 july 2017, sidoo kale tixraac war-saxaafadeedkayagii bore ee sumadiisuna ahayd TIX:KDQ/GA/001/2017

Annagoo ogsoon in Xisbiyadda UCID, Kulmiye & Waddani ay wali sii wadaan olole sharciga baalmarsan oo ay ka wadaan degaan kala gedisan oo ka mid ah Somaliland, Waxaanu Komishanka Doorashooyinka u soo jeeedinayenaa in & Ciddii ay khusayso

In la fuliyo qodobadda ku xusan go’aankii hore ee Anshax marineed.

■In la xakeemeyo gawaadhida ay wattaan xisbiyadu si waafaqsan go’aankii anshax marineed ee ka soo baxay KDQ ee ahaa in aanay ka badan 5 gaadhi.

In laga hor istaago ololaha sharicga baalmarsan ee ay wadaan iyadoo lala kaashanyo ciidammada amniga.

In Hoggaanka xisbiyaddu ku waantoobaan kaambeynka tooska isla markaana ay ku eekaadaan gudbinta farriinta kaadh-qaadashada iyagoo ixtiraamiya xeerka ay saxeexeen.

XUBANAHA GUDDIDGA ANSHAXA EE K.D.Q.

Sucaad Ibraahim Cabdi Guddoomiye

Cabdiqaadir Cismaan Xasan Xoghaye

Aadan Xuseen Muxumed

Yasiin Qallinle

Cali Sh. Xubin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...