Somaliland: Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xadhiga Nin Hore Loogu Caleemo Saaray Suldaanimo

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay xadhiga Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan, oo sannadkii hore Hargeysa lagu caleemo saaray, waxaanu sheegay in Suldaankani aanu ahayn Suldaan rasmiya, oo uu iska sheeganayo, isla markaana uu xad gudbay, sharcigiina uu jabiyey, sidaas darteedna loo xidhay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey sababta loo xidhay Suldaankan, ayaa yidhi “Sharcigii buu jabiyey, wuu xad gudbay, oo Suldaanimo aanu ahayn buu sheegtay, waxaana lama ogola, waxaas ayaanu ku xidhmay kolayba”.

Dhinaca kale Suldaankan ayaa la caleemo saaray ka dib markii ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye isku dhaceen Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah suldaanka guud ee Subeer Awal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...