Suldaan ka soo jeeda Saldanad Fac-weyn oo ka baxay Qaranka Somaliland

Date:

Suldaan ka soo jeeda Saldanad Fac-weyn oo ka baxay Qaranka Somaliland

Allaah ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ka soo jeeday saldannad guun ah oo abtirsatay, soona unkantay dabayaaqada qarnigii 16-aad. Waa saldannada ugu faca-weyn guud ahaan beelaha Isaaqa, iyadoo marka tirsiga laga soo bilaabo Odaygii la odhan Cabdi Ciise oo loo cumaamay inuu noqdo Chief caaqilka guud intii u dhexaysay sannadihii 1680 ilaa 1750. Marka laga hadlayo xil-dhaqameedka suldaannimo waxa ay ka soo bilaabmaysaa Suldaan Guuleed Chief Caaqil Cabdi Ciise, kaasoo cumaamadda saldannada hayey muddadii u dhexaysay 1750 ilaa 1808.

Wixii intaas ka dambeeyey saldannadu waxa ay u soo kala gudubtay ilaa sagaal fac oo uu u dambeeyey Allaah ha u naxariisatee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Caasimadda Hargeysa ku geeriyooday maanta oo ah maalin Jimce ah, taariikhduna tahay 12 February 2021, isagoo cummaamadda saldannada beesha Ciidan-gale hayey laga soo bilaabo 1975 ilaa 2021, waxaanna halkaas ka sii socon doonta faca saldannada dhaxaltooyada ah ee ugu faca weyn beelaha Isaaqa.

Saldanadda Ciidagale (Ciidan-gale, army joiner) waa saldanad fac weyn oo magac, sumcad iyo qaddarin badan ku dhex leh bulshada Soomaalida, geesta kalena waa saldanad taariikhi ah oo laga yaqaan meelo ka baxsan dhulka Soomaalida, gaar ahaan Boqortooyada UK, maadaama oo uu Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye oo xilkan hayey intii u dhexaysay 1939 ilaa 1967 uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiintii doorka weyn ku lahaa in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu xornimada ka qaato Boqortooyada Ingiriiska, kuwaasoo safar ku tegay magaalada London, si ay u soo saxeexaan madaxbannaanida Somaliland ay heshay 26 June 1960.
Ilaahay ha u naxariisto Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waa tiir udub-dhexaad ah oo ka baxay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bahda dhaqanka Soomaalida.

Waxa qoray: Maxamed Cirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...