Murrashaxa xisbiga KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Oog, Guumays, Yagoori iyo Tuullo samo-kaab oo ay ku marreen socdaal ay dadweynaha deegaannadaas ugu wacyigelinayeen sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta oo dhawaan gobollada bariga dalka ka bilaabmi doonta.
Guddoomiyaha KULMIYE oo ay wehelinayaan wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo xubno kale oo haldoorka bulshada kamid ahi oo kasoo socdaalay magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar, ayaa si aan kala go’ lahayn loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannadan, waxana dadweynaha oo lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, ay taxnaayeen dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya Caynaba ilaa Laascaanood, kuwaas oo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashixiisaba, waxana guddoomiyaha iyo weftigiisu ay dadweynahan kala hadleen goobo fagaare ah oo si weyn loo nidaamiyey, iyaga oo si weyn ugu mahadceliyey, isla markaana si habsami leh udhegaystay tabashooyinka deegaannadani qabaan.
Salaadiinta, garaadadda, haweeenka, siyaasiyiinta iyo haldoorka bulshada deegaanadan, ayaa iyaguna si weyn uga mahadceliyey booqashada weftiga uu guddoomiyuhu hoggaaminayo, waxana ay ku dheeraadeen waxqabadka muuqda ee xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay deegaanadan.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimada magaca weyn ku leh deegaannada Bariga dalka, ayaa si kal iyo laab ah guddoomiyaha iyo weftigiisa ugu soo dhaweeyey deegaanka Yagoori isaga oo hormood u ah boqolaal kamid ah dadweynaha deegaanka, waxana bogaadiyey dedaalka iyo murrashaxa iyo weftigisu ugu jiraan ku wecyigelinta bulshada ee qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha.
Wasiirro, siyaasiyiin iyo xildhibaanno kamid ah weftiga guddoomiyaha oo ka hadlay goobo kala duwan oo kamid ah meelaha socdaalka lagu maray, ayaa dadweynaha deegaanaddaas ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha si ay qayb uga qaataan codbixinta lagu wado inay dalka ka dhacdo 23-ka bisha Noofember ee soo socota.
Murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay dhammaanba bulshooyinka soo dhaweeyey ee ku dhaqan deegaannadan, ayaa ku dhiirrigeliyey inay kaadhadhkooda codbixinta qaataan, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyey sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay usoo dhaweeyeen.
Murrashax Muuse Biixi iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Deegaannada Oog, Guumays, Yagoori iyo Tuullo Samo-kaab
Date: