Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada doorashada, iyadoo weli ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay. Raila waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada.
Dhanka kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka. Waxaana uu Madaxweyne Uhuru uu ku hogaaminayaa Raila kow iyo toban dhibcood oo ah codadkii la tiriyay.
Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.
Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.
Sida weyn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.
“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.
Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.
Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.