Olollaha Xisbiga Kulmiye ee tartanka Doorashada aqalka Madaxtooyadda Somaliland, ayaa isu-bedelay caadifad iyo nidaam ku dhisan tolla’ay ya’reer bellaay, sida ku cad hadal dareen badan Siyaasi Cali Guray uu ka jeediyey tuulooyink ka tirsan gobolka Saaxil, halkaasoo uu ku tagay safar uu ku weheliyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharraxa Xisbigaas.
Siyaasi Cali Guray oo la hadlaayey taageerayaal iyo dadweyne kale oo ku dhaqan deegaanada ay safarka ku maraayeen oo kala ah, saala-dacawo, Dhaymoole, bixin-duule iyo Suuq-sade, waxa uu sheegay hadii Muuse Biixi Doorashada laga adkaado boqol-sano oo dambe inaanu jiri doonin Musharrax kasoo jeeda Beeshiisa oo u tartami doona Madaxweyne. Md Cali Guray waxa kaloo, uu sheegay inuu ammaano ku yahay Muuse Biixi Xisbiga uu ka sharraxan yahay ee Kulmiye, isagoo arrumaha ka hadlayana waxa uu yidhi
“.. Annaga Musharrax meel soo gaadha, waxa noogu horreeya Muuse Biixi, waana ku meel-gaadh isagguna, mid uunbaan sheegaya, haduu Muuse Biixi dhaco aduunyada inta ka hadhay, Nin Sacad Muuse ah oo Madaxweyne noqonaya ma jiree ku Bushaareystaa (Ciise Muusow)..”.
Inkastoo weli aan la gaadhin xillii sharcigu asxaabta u banneeyey olollaha, balse Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani inay mar-mar ku tuuranayaan oloole yar oo hor-dhac ah, haddana waxa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland aan qaban in Xisbi qaran oo weliba xisbul-xaakim ah talladii dalkana haya inuu sida qaawan faggaare iskula soo taago weedho xajiin badan oo si qaawan oo ka arradan anshaxa u tilmaamaya qabyaalad iyo reer-hebel. Sida darteed marka hore Koomishanka qaranka waxa la gudboon inay arrinta ka daba tagaan, kuna tallaabsaddan wax bulshada shaafiya, isla markaana digniin u noqda ciddii kale ee damacsan inay ku kacdo arrimaha noocan ah.