..Waxanu ahayn 39-Xildhibaan, garabka kalena 38-ayey Ahaayeen, Waxa noo Cad in Tirada la Iswaydaariyey…”
Xildhibaan Baar Siciid
“..Waxan ahayn KULMIYE, Waxan’se u Codeyeey Cabdiraxmaan Talyanle…”
Xildh. Saleeban Cali Koore
Hargeysa(Yool)-Tirada Codadka natiijadii loogu dhawaaqay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, ayaa ahayd mid xaq-daro ah oo aan si sax ah uga turjumayn tirada Codadka uu ka hellay mudanayaashii taabacsanaa , hase-yeeshee wax isdaba-marin lagu sameeyey tiraddii Codadka loo gudbiyey Gudoomiyaha labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Yuusuf awgeed lagu siiyey natiijo aanu lahayn oo ah Codadkii Xildhibaan CabdiraxmaanTalyanle ka helay golaha.
Dooda mudanayaasha taageersan Xildhibaan Talyanle iyo Sidoo kale, xogo rasmi ah oo ku saabsan natiijada Codadkii Xildhibaan Baashe iyo iyo Xildhibaan Talyanle ka heleen fadhigii shalay oo Wargeyska Yool helay, ayaa ah kuwo xoojinaya muranka iyo mad-madowga hadheeyey tirada Codadkii la siiyey Md. Baashe. Docda kale-na, waxa isa-soo taraya xoggo iyagguna xoojinaya Xildhibaan Talyanle inuu yahay Musharraxa helay 39-ka Cod.
Tusaale ahaan, mudanayaasha taageersan Xildhibaan Talyanle, ayaa dedeffeeyey natiijada dhan 39-ka Cod ee la siiyey Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, taasoo ay sheegeen inay ahayd natiijada codadkoodii, hase-yeeshee la is-daba mariyey intuu aan loo gudbin Gudoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Yuusuf, waxanay doodooda u daliishadeen tirada Xildhibaanada taabacsan Xildhibaan Talyanle, oo sida ay sheegeen ahayd mid suggan oo dhex-dooda Nin-ba Nin la socday, tiradaasoo sida ay xuseen ahayd 39-mudane dhankooda inay ku wada socdeen, waxana doodaas geestooda markhaati uga dhiggeen Magacyada 39-ka mudane ee ay ku wada socdeen in Mudane Talyanle loo doorto ama uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda.
Magacyada 29-ka Mudane ee u Codeeyey Xildhibaan Talyane shalay, sida ay ku doodayaan garabka Xildhibaan Talyanle, waxay kala ahaayeen sidan:
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi
Abubakar Cabdiraxmaan Good
Maxamed Cismaan Bulqaas
Siciid Cilmi Rooble
Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle
Maxamed Yuusuf Wabeeyo
Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Loyar)
Mahdi Xuseen Cadare
Aadan Muxumed Hore
Siciid Warsame Ismaciil
Cabdiqadir Jibriil Tukale
Axmed Maxamed Nuur
Baar Siciid Farax
Cabdiqaadir Xaaji Ismciil Jirde
Cabdiqaadir Jaamac Xaamuud
Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-Xoog)
Cali Xaji Maxamed Muuse
Cali Sh. Ibraahim Aareye
Cabdi hirad Warfa
Xuseen isamciil Yuusuf
Yuusuf Liibaan Cumar
Xasan Muuse Hufane
Maxamed Dhunkale Guutaale
Saleebaan Yuusuf Cali Koore
Maxamed Saalax Cige
Cabdillahi Axmed Yuusuf Madar
Xamuud Cismaan Cigaal
Baashir Xuseen Tukale
Mahadi Cabdilaahi Maxamuud
Ibraahim Mahdi Buubaa
Xuseen Maxamed Cige
Axmed faarax Ghoege
Maxamed Farax Qabile
Wali Axmed Xaawa
Jaamac Xasan Aadan
Muuse Maxamed Ismaciil (Hoos ujeed)
Naasir Xaaji Cali Shire
Xaashi Xuseen Caabi
Cabdiqadir Askar Xasan
Dhanka kale, Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee golaha Wakiiladda, isla markaana hore iskugu dayey inuu u tartamo jagada Gudoomiyaha golaha, hase-yeeshee Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu ka hor istaageen damaciisa, ayaa sheegay in isagga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan talyanle midna dibeda midna gudaha lagu dilay, isagoo arrinka ku iftiiminaya go’aankii Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye kaga hor-joogsadeen inuu jagada isku sharraxo, halka Dilka gudaha ka dhacay ee Cabdiraxmaan Talyanle-na uu u muuqdo inuu yahay dedaalkii Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku dhisayeen Xildhibaan Baashe Maxamed Farax, isagoo xildhibaan Koore arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “.. Waxan kamid ahay Xisbiga Kulmiye, waxan’se u Codeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, sababta aan ugu Codeeyeyna waa Dadkii Deeganka aan kasoo jeedo. Waxanan ku ixtiraamay Codkayga Inaan Siiyo deeganada aan kasoo jeedo. Cid Somaliland wax u ah ee Cod u haysa ee dhul u haysaa taarikhda ayaa qori doontaa, waxa kaloo aan markhaati ka ahay in aniga iyo Cabdiraxmaan Talyanle midna gudaha uu ku dhintay midna dibeda ku dhintay. Sida daraadeed deeganka iyo bulshada aan kasoo jeeda waxay iskugu noqon doonaan tashi buuxa oo ballaadhan, oo aanu ku hoggaaminayno meesha danta dadku u arkaan”.
Sidoo kale, Xildhibaan Baar Siciid oo kamid ah mudanayaasha Xisbiga Waddani, ayaa daboolka ka qaaday in wax is-dabamarin lagu sameeyey tirada Codadkii golaha ee lagu kala saareyey Labada Musharrax, sida awgeedna garabkeedu uu lahaa 39-ka Cod ee la siiyey Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Baar Siciid oo arrinka ka hadlaysaa waxay tidhi “.. waxanu ahayn 39-Xildhibaan, garabka kalena 38-ayey ahaayeen, waxa noo Cad in tirada la iswaydaariyey…”.
Geesta kale, xoggo ku duugan qalabka War-qabadka oo iskugu jira muuqaaladda Sawiiro iyo maqal iyo muuqaal wada socda oo laga qaaday mudanayaasha xilligii Codeyntu ka socotay golaha shalay, kuwasoo si dhammaystiran u iftiiminaya Codeynta iyo dhaq-dhaqaaqyadii madasha ka dhacay mudada kooban ee lagu jiray gacan-taaga mudanayaasha iyo tirinta Codadkooda , ayaa iyagguna xoojinaya tuhunka ku saamsab is-waydaarinta lagu sameeyey tirada codadkii ay kala heleen labada Musharrax.
Muranka iyo madmadowga soo galay natiijada tirada codadkii golaha ee shalay, ayaa hadii labada dhinac midna go’aanka guusha ku adkaysto kan kalena ku adkaysto in Codkoodii la qaatay, waxay arrinkaasi si dhib yar u sababi karaa inuu dalku wajaho qalaalase Siyaasadeed, kaasoo waqti xaadirkan Ilahay innaguma keene, hadii uu dhaco uu adag yahay sida loo maareeya. Hase-ahaatee marka ay noqoto go’aaka arrinkan waa mid u yaala Xildhibaanada garabka taageersan Xildhibaan Talyanle, kuwasoo iyaggu xaq u leh inay arrinkan doodiisa sii wadan iyo inay iska dhaafan labada, waxan’se ku haboon Xildhibaanada dooda ka qaba arrinkan, hadii ay la noqoto inay ka tanaasulan waa inay marka hore bulshada u iftiimiyaan khaladka dhacay, kaddibna markaa yeelan sidii kale ee rabbaan.