Tartankii ugu cuslaa ayaa shalay Golaha Wakiiladda Somaliland ku dhex maray Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo taageero ka heleyay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadda,Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle) oo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI badhi taarayay,waxaana aakhirkii lagu kala calaf qaaday cod hal dheeri ah oo guushu ku raacay Gudoomiye Xigeenkii hore ee koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.
Haddaba Tartankii Golaha Ka dhacay shalay ee ay labadaasi mudane ku kala calaf qaadeen ayaa waxa uu dhinaca kale ifka u soo saaray sida aanay Xildhibaanada Golaha kaga jira Kulmiye intooda badani ula shaqayn Xisbiga Kulmiye,waxaana shalay la arkayay Qoor weyntii Mudanayaashii Xisbiga Kulmiye kaga jiray Golaha Wakiiladda oo intoodii badnayd shalay gacanta u taagtay,uguna codaysay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo uu watay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,iyagoo gabi ahaanba inkiray islamarkaana ka soo horjeestay kaambaynkii Xisbigoodu ugu jiray inuu kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee uu baneeyay Cabdiraxmaan Cirro uu ku fadhiisto oo uu ku siqo Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo markii dambe dirqi iyo hal cod guushu ku raacday.
Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Dhawr Xildhibaan oo hore uga tirsanaa Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye,kana mid ahaa Mudanayaasha inta badan u doodi jiray Xisbiga Kulmiye oo shalay Doonistii Xisbiga Ka codeeyay,iyagoo si toos ah oo aan gabo lahayn codkoodii u siiyay Xildhibaan Cabdiraxamaan Talyanle oo uu watay Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI. Waxa ka mid ahaa Xildhibaanada warkoodu cadaa ee ka soo horjeestay Gudoomiye Baashe oo uu watay Xisbiga Kulmiye,Xildhibaan Saleeban Cali Koore,Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe,Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdille (Faarax Dheere), Xildhibaan Saleebaan Cawad (Bukhaari), Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, Maxamed Cismaan Bulqaas iyo Xildhibaan Cabdi Jaamac Xamud (Fartaag), oo intooduba ka tirsanaa Qoor Weynta Mudanayaasha Xisbiga Kulmiye ugu jira Golaha Wakiiladda Somaliland balse shalay dabada u soo jeediyay.
Dhinaca kale waxa iyaguna jiray Mudanayaal aan badnayn oo ka tirsanaa Xisbiga WADDANI oo iyaguna codkooda uleexiyay dhinaca Xisbiga Kulmiye,islamarkaana gacanta u taagay Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax. Doraad uunbay ahayd markii ay kulan qado ah oo dardaaran ah u qabteen Madaxtooyadda iyo Xisbiga Kulmiye badi Mudanayaasha Xisbiga kulmiye kaga jira Golaha wakiiladda,waxaana jira Mudanayaal kulankaasi joogay oo haddan ka codeeyay Xisbiga Kulmiye.