Siyaasiga Ruugcadaaga ah ee Cali Gurey ayaa Bartiisa Facebook-ga Qoraal kooban oo uu Soo dhigey Magac ugu Bixiyey Xisbiga Waddani Waxana uu u Dhignaa Sidatan.
YAA CIIL QABAAY!!
Waddani intiisii hore waxay ahaayeen dad jiray oo lagu soo hiran kari lahaa laakiin wuxu noqday go’ii la odhan jiray ILA-YUGNOW ee xashiish qaadka badnaa. Dad ciil iyo cadho iyo hebel nacayb isu geeyay oo aan wax hadaf ah lahayn nacayb shakhsi mooyaane ayaa xisbigii WADDANI la odhan jiray dhalan dooriyay. Dadkii xisbiga loogu tegay fajac iyo amakaag iyo anfariir baa ka soo hadhay.
Gudoomiyihii Xisbiga ee isagu u ordayay jagada Madaxwaynaha kuwa uu gacanta u galay waa xashiishkii is biirsaday oo aan haba yaraato eh wax taageero ah ku biirin dadkuna qofqof u yaqaano. Waxan is leeyahay intii rajo ka qabtay dib ayay candhuuftooda u liqeen sida imika uu yahayna mikrifoon Muuse Biixi ay ka caayaan Kooxda YAA CIIL QABAAY wax ka badan ma noqon karo.
Dhiilka xumaha ninka ay ugu lisayaan maaha Musharaxa Kulmiye ee waa Cabdiraxmaan Cirro laftiisa ninka heensan doonaa. Anigu colkan YAA CIIL QABAAY aad baan uga helaa hadaladooda qarkood waayo iyaga oo markoodii horeba aan naf lahayn ayaa waxay iyagu isbarayaan inta aan aqoonin waxay galaan iyo waxay gudaan.Kulmiye waxay ka furteen hawl badan shaqadii ay qaban lahaayeen waa ta iyagu ay u qabteen.
Kulmiye marka ay dadku kuwan arkayaan waxan filayaa in doorashadani ay noqon doonto tii uu ugu taageerada badnaa abidkii iyo ilaa weligii iyo waaqii, waayo cid la tartamaysaaba ma jirto YAA CIIL QABAAYna dantoodu maaha in xisbiga ay taageero u kasbaan ee waxa kala muhiimsan inay helaan saaxad ay afkooda kaga ciil baxaan ninkii midmidka uga soo adkaaday ee dhebiga u qoray oo aanay jirin wax ay caydoodu yeelayso balse adayg iyo kalsooni dheeraad ah uun ay siinayso, taageerada shacbiguna ay marba marka ka dambayso ugu sii siyaadayso. YAA CIIL QABAAY qaarkood waxay gaadheen heer laga khashaafo xataa in hadaladooda laga jawaabo waayo waa matag ee hadalba lama odhan karo.
Ugu dambaysta in badan oo damiirkoodu nool yahay inay kuwan uga tagaan Waddani anigu waan filayaa waana bilaw Cabdirashiid Xasan Mataan kow dheh oo maanta iska casilay.