Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Imaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Taliye Cabdilaahi Fadal oo mudooyinkii ugu dambeeyey xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa wadanka ku soo laabtay iyada oo xaaladiisu aad u fiican tahay.
Taliyaha ciidamada booliska somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxa ku soo dhaweeyey Saraakiil Sare Sare Oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Iyo Dadwayne Kale Oo Aad u Tiro Badan.
Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay xaaladiisa caafimaad ayaa sheegay inuu hada aad u wanaagsan yahay xaaladiisa caafimaadna ay taam tahay, waxaanu u mahad celiyey saraakiisha ciidamada iyo dadweynaha kale ee ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Hargeysa