Somalia: Al-shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Qaybo Kamid Ah Gobolada Somalila Iyo Jidka Iskuulka Xidha Kismaanyo &Muqdisho Oo Go-ay.

Date:

Al-Shabaab ayaa maanta la wareegtay deegaanka Leego oo ah marin muhiim ah oo isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, kaddib markii saaka ay isaga soo baxeen Ciidamada AMISOM iyo ciidankii dowladda ee wehlinayay. Boqolaal dagalayahano oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka Leego, wax yar kaddib markii ay ka baxeen Ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo arkayay dagaalyahano fara badan oo ka tirsan al-Shabaab oo ku dhawaaqayay Takbiirta (Allaahu Akbar), waxaa durbaba Al-Shabaab ay baaritaano ka bilaabeen saldhigii ay ka baxeen iyo xarumihii maamulkii deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyihii deegaanka iyo ciidamadii ilaalinayay ay iyana iska baxeen, kaddib markii ay ka war heleen ka bixitaanka Ciidamada AMISOM.

Leego ayaa magaalada Muqdisho u jirta illaa 120KM, waxay u dhowdahay degmada Wanlaweyn, deegaankan ayaa ahaa mid isku xirayay Muqdisho iyo baydhabo, waxaana haatan muuqata in si rasmi ah ay u go’day isku xirka Muqdisho illaa Baydhabo oo xilliyada qaar marka ay ciidamada wadada ku safrayaan jidka loo geli jiray.

Labo sano ka hor ayaa saldhig Ciidamada Burundi ka degenaayeen Leego waxaa lagu qaaday weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah, halkaasoo ciidanka Burundi looga dilay illaa kontameeyo askari, waxaana markii dambe lagu bedelay Ciidamo ka socday Uganda oo tan iyo sanadkii 2015 fariisin ku lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...