Somaliland: Nuxurka Weedho Ay Marwo Aamina-weris Si Degen Shalay Ugu Tidhi Murashax Cirro

Date:

Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, oo markii uu shalay iska casilay shirguddoonka golaha wakiilada booqasho ugu tagay madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii uu kulankaasi dhammaaday wuxuu qadar kooban salaan ugu tagay marwada madaxweyne Siilaanyo Aamina-weris Jirde, waxaanu muuqaal iyo sawir laga qaaday shalay ilaa xalay qabsaday baraha ay bulshadu ku xidhiidho.

Salaan gacan qaad ah oo dhex martay murashax Cirro iyo marwo Aamina-weri ayaa waxa ay marwadu mudane Cirro kula dardaarantay inuu mar walba ka dheeraado go’aan dalka wax yeeli kara, waxaanay tidhi “Alle khayr haynooga dhigo, Allena ha kuu fududeeyo hawsha. Kolay adiga kuguma ogi deg deg iyo go’aan qaadasho dalkan wax yeelaysa, ee iska ilaali in lagugu riixo khalad.”

Musharax xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa si kooban ugu jawaabay “Waayahay, waayahay inshaalah.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shalay si rasmi ah isaga casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada, oo uu laba iyo tobankii sanadood ee ugu danbeeyayba hayay, waxaanu u madaxbanaanaaday musharaxnimada xisbiga Waddani, iyadoo ay saddex bilood ka hadhay doorashada madaxtooyada oo qabsoomaysa November 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...