Xildhibaan Golaha Wakiiladda Ka Tirsan Oo Safiir Baashe Cawil Ku Eedeeyay Inuu Dhib Joogto Ah Ku Hayo Shacabka Reer Saaxil,Kuna Tilmaamay Dilaal Hantidii Lawada Lahaa Ee Dalka Boobaya.
Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraatka Carabta Baashe Cawil,Waxa uu ku eedeeyay inuu fidmo iyo barokicin ka dhex wado Gobolka Saaxil iyo dadka Deegaankaasi dega, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyay inuu shirar Madaxtooyadda ugu qabtay masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira Gobolka Saaxil si ay ugu hawl fududeeyaan islamarkaana ay kala shaqeeeyana wax uu ugu yeedhay dhul boob uu Safiirku ka wado Magaalada Berbera.
Xildhibaan Siciid Cartan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan“Ugu horeyn waxaan leeyahay shacabka Somaliland nabadiina ilaashada maxaa yeelay dalku waxaa uu marayaa duruufo adag, shirkan jara,iid maanta waxaan kaga hadlaaya xaalada Gobolka Saaxil oo aniga layga soo doortay, maalmihii ugu dambeeyay waxaa shirar uu socday Madaxtooyada iyo xubnaha xukuumadda ku jira ee kasoo jeeda Gobolka saaxil, shirkaas oo lagaaga hadlayay shirqool ku soo adaan Gobolka saaxil, iyadaa oo markii hore xukuumaddu dhibaato iyo cago juglayn ku haysay Gobolka Saaxil ayaa imikana la doonaya in labadii bilood ee ugu dambeeyay la dhibaateeyo Gobolka saaxil”.
Waxa kale oo uu yidhi“Arrinka dhawaan kusoo wajahan Gobolka saaxil waxaa horboodaya inanka layidhaahdo Baashe Morgan oo Aan anigu uu yaqaano dilaalka madaxtooyada iyo imaraadka, imika madaxtooyada arrinkaas layskugu yeedhay saddex qodob ayay ahayd mid waa dhul boob ku soo wajahan Gobolka saaxil oo ah xeebta Galbeed, marka Galbeed Berbera looga baxo ilaa meesha layidhaahdo Xeedho, halkaas oo dad gadhaya “3000” oo qoys ay sharciyadeedi haystaan, iyadaa oo xukuumadda siilaanyo ee xilligeedi dhamaaday ay doonayso inay gacanta mariso, qodobka labaad ee halka lagu hayay waa faashilka ku dhacay shirkada Dp-world iyo waji gabaxa ay la kulantay oo sidii indhaha shacabka looga jeedin lahaa wax layska weydiiyay, qodobka saddexaad waxaa weeye xubnihii reer Somaliland ee maamuulihii lahaa dekeda berbera oo iyana umada lagaa qarinaayo taasna waa laga wada hadlay”.
Isagoo Safiir Baashe weeraraya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Inanka yar ee Baashe layidhaahdo ee Dilaalka ah,isaga dartii haamaha loo wareejiyay ee qaata lacagta xaraanta ah ee khidmada uu ku qaato,waa inanka yar ee dilaalka usoo qaaday madaxtooyada, ee dartii loo wareejiyay dekedii, waa inanka yare ee madaarkii wareejiyay, saddexda hore isagoo uu qabay ayuu maanta doonayaa inuu dadka masaakiinta ee reer saaxiil uu barakiciiyo iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya saldhiga ayaa lagu balaadhinaaya, heshiiskii saldhiga waan hayaa laba qodob ayuunbaana ugu jiray, laakiin isagaa ayaa heshiis gaar ah kasoo qataay waxaanu doonayaa ilaa 25km oo ah ilaa xeedho inuu masaakiinta ka barakiciyo”.
Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay baashoow Morgaankii rasmiga ahaa ee ina siyaad Barre qabay qaxoonti ayuu ku dambeeyay walaahi haddii dawlad cadaaladii dhalato jeelbaad ku dambeynaysaa, madaxweynaha waxaan leeyahay umadan todoba sanno ayaad hogaaminaysay mudadaas qaranimo waad ka tagtay oo qabiilbaad noqotay, waxaanu kugula talinayna inaad umadda ka hor dhaqaaqdo oo aad iskaga Tagto, labada bilood ee hadhayna xil ma gudan kartide umada saylici ha gaadhsiiye iskaga Hor dhaqaaq”.