Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee xukuumaddii Riyaale Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali “Cirro” ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tirsan yahay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Mudane Cabdilaahi Cirro oo xalay wargeyska Geeska Afrika waydiiyay jiritaanka warka sheegaya inuu qaatay siyaasadda ah inuu xisbiga WADDANI ee mucaaraddka ah ka mid noqdo ayaa xaqiijiyey inuu ka tirsan yahay xisbiga WADDANI,waxaana uu yidhi
“Anigoo ah nin waayo arag ah oo wax badan usoo joogay markaan wax badan egay ee aan dhinacyo badan ka eegay waxaan arkay in danta qaranku ku jirto xisbiga WADDANI,sidaas daraadeed anoo su’aashaada ka jawaabaya “Haa” oo waxaan ka tirsanahay xisbiga WADDANI”ayuu yidhi Cabdilaahi Cirro oo u waramayay wargeyska Geeska Afrika isaga oo jooga magaalada Hargeysa.
Cabdilaahi Cirro wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay inaanay xisbiyada tartamaya ee saddexda ah ku kala dooran qabyaaladd ee ay ku kala doortaann barnaamijyadooda siyaasadeed.
“Xisbiyada waxaynu u samaynay inaynu kaga baxno qaabyaaladda,sidaas darted shacabku waa inay xisbiyada ku doortaan barnaamijyadooda oo aanay qabyaaladd ku kala dooran,xisbiyaduna waa inay ku ololeeyaan siyaasadd qaan gaadh ah oo bisil oo wanaag mooyee aan waxyeelo u gaysan qaranimada Somaliland arrimaha amniga guud ee dalka”.
Cabdilaahi Cirro oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee u danbeeyey ee madaxwayne Riyaale ayaa ah siyaasi iyo khabiir amni oo aan looga baran inuu ka dhex muuqdo siyaasadda maxaliga ah ee xisbiyada dalka ka jira,waana markii u horeysay ee tan iyo doorashadii 2010 lagu dhex arko isaga oo xisbi qaran ka tirsan