Somaliland: Wiilka Madaxweynuhu Sodogga u yahay oo Kormeer u Markhaati Furay Xildhibaan Cartan ku Tegay Berbera Shirkii Madaxtooyada + Shiishka Bogcadaha Berbera + Shaxda Bari-kicinta Saddexda Kun ee Qoys + Sallowgii Qaylada Iyo Diffaacii Shurun-shuurka

Date:

“…Inaanka [Baashe] wuxuu haysaa SHAANBAD iyo SAXEEX lumay oo u umadda ku Baabinayo…”

“..Mashaaricda aanu Maanta u nimi inaanu soo kormeero, waxay qayb ka ahaayeen mashaaricdii dawladda Imaaraadku ka wadday gobolka [Saaxil]..”

Safiirka Somaliland u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, ayaa, xilli ay weli dheggaha bulshada kasii guuxayan dhaliilo la xidhiidha  ku tagri fal awoodeed oo Safiirka dusha laga saaray, waxa uu kormeer marka si loo eego u markhaati furay masuuliyiintii eeddaha u jeedisay ku taggay Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas intii uu joogay waxa uu soo indho-indheeyey goobo ay ka socdaan hawlo dawladda Imaaradku ka waddo gobolka Saaxil.

Kormeerka Safiir Baashe Cawil ku tagay goobaha ay ka socdaan Mashaaricda Dawladda Imaaraadka oo ahaa Sabtidii doraad, waxa socdaalkiisu ku beegmay laba maalmood kaddib, markii Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda, lagana soo doortay gobolka Saaxil ku xidhiidhiyey Safiir Baashe inuu ku hawlan yahay qorshe uu damacsan yahay inuu ku baro-kiciyo saddex kun oo qoys oo u dhashay Gobolka Saaxil, sidoo kalena Xildhibaankaasi uu ku xidhiidhiyey inuu si khaldan ugu shaqeysto Shaambada iyo Saxeexa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo.

Xildhibaan Siciid Cartan oo ah mudanaha eeddaha dusha u saaray Safiir Baashe Cawil, waxa hadalladiisi kamid ah, “.. Anigu Safiir uma aqoon (Baashe Cawil) ee waxa idhaahda waa dilaalka Somaliland iyo Imaaraadka u dhexeeya… Inaanka (Baashe) wuxuu haysaa Shaanbad iyo saxeex lumay oo u umadda ku baabinayo”.

Iyadoo geesta kalena hadal-haynta arrinkaas, ay jawaab celiyeen masuuliyiin tiro badan, kuwasoo dhamaantood xilal ka haya Xukuumadda dhexe, Baarlamaanka iyo gobolka Saaxil, ayaa booqashada Safiir Baashe Cawil ku tagay mashaaricda gobolka Saaxil ka socda waxay noqotay arrin mar kale soo jiidatay indha iyo dheggaha dadweynaha reer Somaliland, kuwasoo qolo-waliba geesteeda malaha-maankooda isku barbar-dhigayeen eeddihii Xildhibaanka iyo booqashada Safiirka,oo iyadduna sidan u dhacday.

War maqal iyo muuqaal ah oo laga sii daayey Telefishanka dawladda, ayaa lagu sheegay in Safiirka u fadhiya Somaliland Imaaraadka Md. Baashe Cawil kormeer indho-indheyn ah kusoo maray mashaaric dhawr ah oo sida la sheegay dawladda Imaaraadku ka waddo gobolka Saaxil. Safarka safiirka waxa u ku wehelinaayey la-taliyaha Madaxweynaha Saxaafadda Md. Khadar Cali gaas, sidoo kalena hadal kooban oo u xogo-ogaalnimo badani ka muuqatay oo Safiirku halkaa ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey arrimo dhowr ah, oo weliba kamid ah qodobadii lagu eedeeyey ee u ka hadlay Xildhibaan Siciid Cartan, kuwasoo aynu ka xusi karno Saldhigga Mileteri ee Dawladda Imaaraadka laga siiyey Magaaladda Berbera, sidoo kale, siday u socdaan hawlaha shaqo ee Shirkadda Dp World ee la xidhiidha maamulka Dekedda Berbera.

Labada qodob ee la kala xidhiidha Saldhiga Mileteri iyo maamulka DP World ee Dekedda Berbera, waxa Xildhibaanku sheegay inay qayb ka ahaayeen saddex qodob ama xaajo oo wiigii ina dhaafay lagaga arrinsanaayey Shir-qarsoodi ah oo saddex habeen ka dhacay qasriga Madaxtooyadda.

Hase-ahaatee, Safiir Baashe oo geestiisa uu muuqday Nin rabbay inuu is difaaco, balse sallaadu u xidhmi wayday, waxa hadalladiisi kamid ah “..Mashaaricda aanu Maanta u nimi inaanu soo kormeero, waxay qayb ka ahaayeen mashaaricdii dawladda Imaaraadku ka wadday gobolka [Saaxil]. Waxaynu la socona dawladda Imaaradku Shirkadeeda ugu way nee Dp World waxay heshiis la gashay Somaliland, kaasoo ah in Dp World maamusho Dekeddeena, heshiiska kala wareegga Dekeddu waxa uu dhacay bishi March, haddana bisha September waxa la rajeynayaa inuu yimaado qalabkii ugu horeeyey ee sahlayey hawlaha shaqo ee ay waddo Dp World. Sannaadka dabayaaqadiisana waxa bilaabmi doona mashruucii balaadhinta Dekedda..”.

Intaa kaddib Safiir Baashe Cawil, isagoo doonaya inuu iska mooso eeddaha loo soo jeediyey, sidoo kalena uu bulshada indhaha ka qanciyo, mar kale waxa uu yidhi “.. wax badan ayeynu maqalnaa Rag hadlaya oo si khalad ah wax u sheegaya oo leh waxba lama qaban, waxba lama sameyn, waxaan leeyahay Ishaa u macalin ah berbera horumarka ka socda. Dawladda Somaliland waxay la gashay dawladda Imaaraadka heshiis ah inay dhisto Madaar shicibku isticmaalo oo leh adeegyada dadku u baahan yahay dhamaantood..”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...