Somaliland: “Axsaabta QarankuXaq Uma Laha Inay Shacabka Ku Hagaan Arrimo Wax Yeeli kara Nabad-galyada Dalka” Cali Waran-cadde Cali Waran-cadde Oo Digniin U Diray Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Qaran

Date:

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ahna la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Murrashaxiinta saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI uga digay inay olole ka dhex-bilaabaan wakhtiga ay socoto kaadh qaybintu.

Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde Sidoo kale waxa ugu baaqay madaxda axsaabta inay la yimaadaan milgo haboon oo ilaalinaya walaaltinimada shacabka iyo midnimada Qarankan oo ka fog qabyaalad iyo gobolaysi

War-saxaafadeed uu soo saaray Cali Maxamed Waran-cadde ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

“Waxa ilaahay mahadii ah in Dawlada Somaliland kasoo baxaday xilkeedii ku aadanaa inay bixiso kharashkii faraha badnaa ee inagaga soo hagaagay doorashooyinka madaxtinimada somaliland taas oo sadaal fiican u ah in doorashadu wakhtigii loogu tallo-galay ku qabsoonto,

Teeda labaad waxa waajiba in shacabka iyo axsaabta qaranku ay si hufan ugu diyaar garoobaan doorasahda soo socota, waxaadse moodaa in hanaankii iyo habsami u socodkii tartanka axsaabta qaran ku uu u muuqdo mid aan hufnayn,

Waxaynu la soconaa in Madaxweynaha Qaranku Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu muddo hada laga joogo laba sano ku dhawaad uu si geesinimo leh ugu cadeeyey umada reer somaliland inuu ka tanaasulayo tartankii madaxnimada ee Shanta Sanno ee danbe ee muddo xileedkiisa, taasoo macnaheedu yahay in madaxweynuhu uu dantiisa gaarka ah ka hor mariyey danta guud ee qaranka isagoo fursada u baneeyey siyaasiyiinta cusub ee hunguraynaya inay qabtaan hogaanka dalka waana talaabo geesinimo leh oo uu u horseeday siyaasiyiinta Qarankan.

Hadaba waxa looga fadhiyaa madaxda cusub ee tartanka ku jirta inay maanka galiyaan sunnaha cusub ee uu madaxweynuhu u jideeyey oo ah in qofka madaxnimada doonayaa uu u muujiyo shacabka laxela jeclo iyo inuu dantiisa gaarka ah ka horumariyo ta qaranka.

Sidaa awgeed waxa madaxda axsaabta looga fadhiyaa inay la yimaadaan milgo haboon oo ilaalinaya walaaltinimada shacabka iyo midnimada Qarankan oo ka fog Qabyaalad iyo Gobolaysi,

Axsaabta Qaranku waxay xaq uugu leeyihiin inay shacabka weydiistaan codkooda, laakiin Axsaabtu Xaq uma laha inay shacabka ku hagaan arrimo waxyeelikara nabad galyada Dalka iyo hamsami u socodka doorashada waxaana lagama maarmaan ah in aanay soo noq-noqon dhacdooyinkii foosha xumaa ee madaxda axsaabta kaga yimi goobo gaar ah oo dalka ka tirsan .

ALLAA MAHAD LEH

Cali MAxamed Waran Cadde

La-Taliyaha Gaarka Ah Ee Madaxweynaha JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...