War Deg Deg Ah: Hargeysa Oo Lag Furay Kiniisada Iyo Sameynta Ay Ku Yeelan Doonto Somaliland Iyo Culimada Dalka
Haweenay Ajaanib ah oo lagu magacaabo ah Marianne VECCHIONE ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd magaalada Hargeysa ka shaacisay in ay Somaliland u timid laba hawlood oo mutadawac nimo ah kuwaas oo kala
In ay magaalada Hargeysa ka furto Kaniisad ay ku cibaadeystaan dadka aamisan Mad-habtakootaliga , oo ay xukuumadu u ogolaatey isla markaana ay iminka ka furtay
” Asalkeygii hore waxaa aan Somaliland u yimid Hawl mutadacnimo ah taas oo ah kaniisada cusub ee Kaatoliga oo dib looga furay magaalada Hargeysa taas oo xidheyn muddo 30 sanadood ah ” ayey tidhi
Sidoo kale Haweynaydan ajaanibka ah ayaa sheegtay in dawladu ay u ogolaatey in ay kaniisadaas Hargeysa ka furtaan
” Dawlada ayaa xaqiiqsatey in dal nimadooda ay mihiim u tahay in Kiristaanka loo ogolaado meel ay wax ku caabudaan , Sidoo kale dawladu waxaa ay noo ogolaatey in aanu dib u soo laabano oo aanu dib u furno xarun kaniisad ah ” ayey ku sii dartay
Dhinaca kale haweenaydani waxaa ay intaasi ku sii dartay in ka dib markii ay dhameysay dhisitaanka kiniisadaasi ay iminka si mutadawac nimo ah ay uga hawl gasho isbitaal Jamacadeed oo Hargeysa ku yaala maadama oo ay shahaadada labaad ee Master-ta ay ka diyaarisay arimaha caafimaadka