Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa soo bandhigtay Liiska Arday ka badan laba Boqol oo la sheegay inay sifo aan ahayn u fadhiisteen Dugsiyada Sare, intay ka soo boodeen Fasallada Dugsiyada dhexe.
Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) oo isaga iyo Masuuliyiin kale Shir-jaraa’id ku qabteen Xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, ayaa sheegay in Ardaydaasi oo Tiradoodu tahay 256 ay Mamnuuc ka yihiin inay galaan Waxbarashada Dugsiyada Dalka ee Dawladda ama sida gaarka loo leeyahay, maaddaama oo ay si sharc-darro ah uga soo boodeen Waxbarashada Dugsiyada dhexe, una soo boodeen Waxbarashada Dugsiyada Sare.
Agaasimaha Waaxda Komeerka ee Wasaaradda Waxbarashada oo ugu horreyn Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahiyey kormeer ay ku sameeyeen illaa 250 Dugsi-waxbarasho isla-markaana soo ogaadeen in laba Dugsi sare oo midna Dawladdu leedahay, midna Gaar loo leeyahay ay fadhiyaan Arday 256 ah oo ka soo booday Waxbarashada Dugsiyada dhexe, una soo gudbay Dugsiyada sare, waxaanu yidhi “230 illaa 250 Iskuul oo Hargeysa gudaheeda ku yaalla iyo Gobollada oo dhan ayaanu kormeer ku soo marnay. Kormeerkaa waxa galay 18 Kooxood oo kala watay 18 Gaadhi oo min shan qof iyo Dirawalku saaran yihiin, markaa Cawaaqibkii ka dhashay waxa ugu batay laba Iskuul oo midna Gaar loo leeyahay, midna Dawladdu leedahay. Kormeerkii tagay Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali (Hargeysa) waxay soo sheegeen in Fasallada 3-aad iyo fasallada 2-aad ee Dugsiga sare ay 92 Arday ku fadhiyaan billaa Dhukumanti oo wax alaale iyo wax ay ku fadhiyaan aanay jirin, markii aanu waydiinayna wuxuu noo sheegay inay yihiin Arday ku celis ah (Fasallada markii labaad ku soo noqday).”
Dugsiga kale ee la ogaaday inay fadhiyaan Arday ka soo boodday Waxbarashada Dugsiyada dhexe ayaa la sheegay inuu ku yaallo Magaalada Hargeysa.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa shaaciyey Wareegto uu Ardaydaa kaga Mamnuucayo inay galaan Dugsiyada Dalka ku yaalla, waxaanu yidhi “Ardaydaa waa laga joojiyey inay Dugsiyada galaan haddayna lahayn wax caddayn ah, sababta aanu uga jeednaa Cadaadin maaha, ee tayada Waxbarashada ma sugi karayno haddaynaan ilaalin sifaha uu Ardaygu ku imanayo Meesha, markaa maaha in la isku daro Waalidiintii dedaalaya iyo Waalidiinta kale, waxaanu codsanaynaa inay la yimaaddaan (Caddaymahooda waxbarasho ee ay kaga soo gudbeen Dugsiyada dhexe), hadday la iman waayaan iskuulka ma soo gelayaan.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Xafiiskii Imtixaannaadku wuu joogaa, markaa wax Imtixaan ah oo ay gelayaan ma jirto Mustaqbalka, Liiskoodana meel walba waa lagu dhejinayaa, Waayo? Shahaadadii ay Dugsiga dhexe kaga soo baxeen ayaa loo waayay, kii ay Fasalka koowaad ee Dugsiga sare ay kaga soo gudbeen-baa loo waayay, markaa waxa laga maarmi waayay in la shaaciyo oo Dadweynaha loo sheego, iyagana loo sheego.” Ayuu yidhi.
Tallaabadan ayaa hadday hirgasho wax ka tari karta dedaallada kor loogu qaadayo Tayada Waxbarashada Dalka, sidoo kalena waxay joojin kartaa in Ardaydu waxbarashada badhkeed ka boodaan, oo ay u gudbaan Waxbarasho ay dhowr Sannadood uga hadhsan yihiin.