Xildhibaanno Ka tirsan Golaha Guurtida Oo Sabtida U Ambo-baxaya Damminta Colaadda Ceel Af-weyn
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Sabtida soo socota haddii Alle yidhaahdo Socdaal-nabadeed ugu ambo-baxaya Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag oo deegaano ka tirsan ku dagaalameen Laba Beelood oo Walaalo ah.
Xildhibaannada Golaha Guurtida oo socdaalkoodu ku waajahan yahay Magaalada Dararweyne oo ka tirsan Degmada Ceel Af-weyn oo toddobaadkii hore ay ku dagaalameen laba Beelood oo Wada dega, ayaa doonaya inay qayb ka noqdaan dedaallo lagu walaalaynayo labada Beelood oo dhowr jeer ku dagaalameen.
Sidaana waxa Shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Guurtidu ugu horreyn wuxuu dhaliilay hadallada Dad ka kala tirsan labada Beelood ay Warbaahinta isku marinayaan, isagoo xusay inaan Colaaddaa waxba laga qaban karin illaa Dadkaa Warbaahinta hadallada isku marinaya Gacan Adag lagu qabto, “Weli iyagii baa is-haaraamaya (Labada Beelood ee Dagaalamay), markaa Cidna tagi mayso illaa Gacan Adag lagu qabto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu shaaciyey inay halkaa u dirayaan Xildhibaanno ka qayb-qaata Daminta Colaadda labada Beelood, “Halkan waxaanu ku rejo weyn-nahay inay diyaar yihiin xoogaagii (Kharashkii), markaa Haddii Alle yidhaahdo Sabtida ayuun baynu isku imanaynaa, si ay Sabtida Ambabax innaga noqoto”