Somaliland: Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Doorbiday Guul Uu Kulmiye Gaadho Doonistiisa Wareejinta Gudoomiyenimada Kulmiye

Date:

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bilaabay dagaal ka dhan ah Xisbiga Kulmiye, isagoo ku goodiyey inuu guuldaro badi doono Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, hadii aan lagu wareejin Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale waxa uu Wasir Maxamuud Xaashi Sas ka qaaday Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed kaahin iyo weliba Wasiir Cali Mareexan, oo iyaggu daacad ka ah guul uu gaadho Xisbiga Kulmiye, isla markaana Dib u yara dhigay Hankii iyo himilladoodi shaqsi ee Mustaqbalka dambe.

Ficillada Wasiir Maxamuud Xaashi ku hawlan yahay ee uu kula dagaalamaayo Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo xisbigeeda kulmiye ayaa ah, kuwo uu jeedada uu ka leeyahay tahay, sidii uu hantiyi lahaa Gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye ee Mustaqbalka, isagoo ka shakisan inay saxadda ka saran rag-waaweyn oo siyaasiyiin ah oo ay isku beel kasoo jeedan. Ragaas oo la sheegay inay hormuud u yihiin Siyaasi Maxamed Cabdilahi Ducaale oo mudooyinkii u dambeeyey Cilaaqaad Siyaasadeed la lahaa Musharraxa Xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale Gudoomiye ku xiggeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin oo isna dhinaciisa u ordaaya Gudoomiyenimada mustaqbalka ee Xisbiga Kulmiye.

 

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu qaadday Tallaabooyin kala duwan oo uu kaga gaashaamanaayo Siyaasiyiinta Culeyska Siyaasadeed ku haya ee ay isku beesha yihiin iyo sidoo kale gabood kale oo uu dhabbaha usii xaadhay oo isna ah Xisbiga Ucid oo uu damacsan yahay hadii hankiisa Siyaasadeed ee Kulmiye socon waayo inuu bedelka dhigto, waxanu Lacag kaga Iibsadday Faysal Cali Waraabe Gudoomiyenimada Ucid, waxanu Wasiir Xaashi balan ku Qadday inuu Codka Beesha Habar-jeclo geynaayo Ucid oo hadii hankiisa Kulmiye Socon waayo uu beeshaas ula wareegaayo Ucid.

Sida La ogga sababta Wasiir Maxamuud Xaashi ku kaliftay inuu dagaal badheedh ah oo laf jabku ah Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Siilaanyo oo u xilka wasiirnimo hayey 7-sanadood iyo xisbigeeda kulmiye ugu abuuraayo kacdoono beeleysan. Sidoo kale, xoggaha ayaa badhkood sheegayaan inuu xaaladda deg-dega ah ee Kooxahaasi warbaahinta lasoo istaageen uu wasiirka Madaxtooyaddu dhabbaha ugu sii xaadhaayo kordhin mar kale loo sameeyo Xukuumadda uu wasiirka aawoodda badan ka yahay ee Madaxweyne Siilaanyo. La soco xogo kale oo kashifaaya ficillada ka dhanka ah Xukuumadda ee Wasiir Maxamuud Xaashi ku hawlan yahay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...