Wakiilka EU-da u qaabilsan Soomaaliya Danjire Veronique Lorenzo ayaa ka hadashay xilka loo magacaabay Dr Edna Aadan Ismaaciil oo uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay ergayga gaarka ah ee wadahadalka Somaliland iyo Somalia.
Sidoo kale Wakiilka Midawga yurub ayaa sheegtay inay taageerayaan wadahalada Somaliland iyo Somalia haddii ay dhab ka yihiin labada dhinaca, Danjire Veronique Lorenzo ayaa sidaas sheegtay iyadoo Hargeysa ku sugan kana qaybgalaysa bandhiga buugaagta ee ka socda xarunta dhaqanka ee Hargeysa, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:
“Hambalyo Adna Aadan, waa wax weyn in aan maqlo inaad hoggaaminayso wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Midawga Yurub ee Soomaaliya wuu u han-wayn yahay in uu taageero wada hadal dhab ah ee Somaliland iyo Somali.” waxa sidaas tidhi wakiilka EU-da u qaabilsan Soomaaliya Danjire Veronique Lorenzo.
Inkastoo ay dadka qaar u arkaan in Maro Edna Aadan xilkan loo magacaabay wakhti aan haboonayn ayaa hadana waxaa rajo laga qabaa inay khibradeeda uga faa’iidayso qaranka, iyadoo taariikhda Somaliland aqoon buuxda u leh.