Dawlada Denmark oo kamid ah dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo waliba sanduuqa SDF ayaa sheegtay in doorashada Madaxtooyada Somaliland ee soo socota ay marag run ah u noqon doonto harumarka geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
Safiirka Denmark u qaabilsan Kenya iyo Somalida Danjire Mette Knudsen oo todobaadkan dhamaaday safar ku timi magaalada Hargeysa ayaa qoraal ay safaaraddu soo saartay waxa lagu sharraxay kulamo ay la yeelatay wasiirada arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
“Todobaadkan safiirkayaga Danjire Mette Knudsen,waxay socdaal laba maalmood ah ku tagtay magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa,waxayna kulamo la yeelatay wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxayna ka wada hadleen doorashooyinka soo socda”ayaa lagu yidhi qoraalka,waxaanu warku intaasi raaciyey in doorashooyinka soo socdaa tijaabo u yihiin geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland “Waxa ay marag run ah u noqon doonaan horumarka dimuqraadiyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalka safaaradda Kenya waxa lagu sheegay in horumarka dhaqaale uu ku socdo dekeda Berbera, “Waxa kale oo uu is bedel dhaqaalaha Somaliland ahi ka muuqdaa dekeda Berbera oo uu ku socdo horumar muhiim ah,kaas oo aanu ku aragnay booqasho aan ku tagnay ciidanka Ilaalada Xeebaha,dugsiga Barashada culuumta badda iyo mashruuca kalluumaysiga oo uu gacanta ku hayo NGO ah Danish-Somaliland”.