Jaamacadda caalamiga ah ee Abaarso Tech ayaa maanta magaalada Hargaysa xaflad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay ugu qabatay 42 arday oo ka qalin jabiyay shahaadadda heerka labaad ee master ta. Kuwaas oo ka kala qalijabinayay Master of Business Administration (MBA), Master of Public Health (MPH), iyo Master in International Law (LL.M).
Munaasibadan loo sameeyay ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda & Tacliinta Sare ee Somaliland, Xildhibaano, Taliyaha ciidanka dam-damiska Somaliland, Su iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday laamaha dawlada.
Guddoomiyaha jaamacadda caalamiga ah ee Abaarso Tech Dr Xuseen Axmed Ciise ayaa sheegay in jaamacaddani soo saartay badiba ardayda qaranka Somaliland haldoorka u ah iyadda oo ka dhistay noocyadda kala gadisan ee aqoonta.
“Jaamacadda caalamiga ah ee abaarso tech waxa maanta u farxad ah in ay ka baxayaan ardayday dhamaysay koobnayeen Master in International Law, Kuliyadda, Master in Public Health, Master in Business Administration kana kooban 42 arday kuwaas oo lagaliyay wakhti iyo dadaal badan waxaana ku dhehan aqoon ay ku hawl gali karaan meelkasta oo ay shaqo uga baahdaan.” Sidaas ayaa uu yidhi guddoomiyaha jaamacadda Abaarso Tech
Wasiirka Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa geestiisa ku dheeraaday sida isla markaasna jaamacadda Abaarso Tech ku amaanay sida ay dadaalka u galinayso aqoon yahanka ay soo saarayso,waxaana uu sheegay in ay kaalmaha hore jaamacadu kaga jirto jaamacadda ugu wanaagsan Somaliland ee sida tooska ardayda wax u bara. Had iyo jeerna ay caan ku tahay inay soo saarto arday tiro yar oo tayo leh.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Xildhibaan Dheeg ayaa labadooduba si isku mid ah u hambalyeeyay 42 arday ee dhamaystay aqoon kala gadisan iyaga oo ku amaanay in ay heleen jaamacadda wanaagsan oo aqoonta ay sitaan ee ay ka barteen maanta anfici karto.
Taliyaha Ciidanka Dam-damiska Somaliland, oo isna madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay Somaliland maalinba maalinta ka dambaysay uga qalin jabinayaan xaga aqoonta isaga oo sheegay in ay ka gadheen horumar wanaagsan oo bulshadda iyo qaranka Somaliland ay ku anfici karaan.
Gabagabaddii, waxa la guddoonsiiyay 42kii arday ee ka qalin jabiyay kuliyaddaha kala ah koobnayeen Master of Business Administration, Master of International Law, and Master in Public Health. Waxa sidoo kale halkaa abaalmarino gaar ah la siiyay, ardayddii ugu sareeysay kuliyaddahaas. Waxa sidoo kale xasuus iyo xus ba lagu sameeyay Sareeye Guuto. Cabdillaahi Jaamac Calas oo ahaa abaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka oo geeriyooday intii uu waxbarashadda waday gaar ahaan fasalka manta qalinjabinayay ee Masters in International Law.