“Waxaan Halkan Ka Cadaynayaa Inaan Ka Baxay Oo Aan Ka Haajiray Xisbigii La Odhan Jiray Kulmiye Oo Aan Ku Biiray Xisbiga Guusha Ee Waddani” Abiib Timacade
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xaflada balaadhan ku soo dhaweeyey masuuliyiin iyo siyaasiyiin miisaan leh oo ka soo baxay xisbiga xukuumada ee Kulmiye.
Munaasabad uu Xisbiga WADDANI ku qaabilay siyaasiyiintan oo maanta ka qabsoontay magaalada Hargeysa gaar ahaana huteelka Maansoor, waxaan ka soo qayb-gelay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo uu horkacayo Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI, hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaasi oo ka tirsan Xisbiga WADDANI.
Siyaasi, Abiib Diiriye Nuur Abiib Timacade oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxa ka mid ahaa hadalkiisii oo uu yidhi “Maanta oo taariikhdu tahay 20-ka bisha July 2017-ka, Waxaan halkan ka cadaynayaa inaan ka baxay oo aan ka haajiray xisbigii la odhan jiray Kulmiye oo aan ku biiray xisbiga Guusha ee Waddani.
Walaalayaal sababaha aan uga soo baxay xisbiga Kulmiye, anigu golihiisa dhexe ayaan ku jiray, gudidiisa fulinta ayaan ka mid ahaa, madaxdiisa ayaan ku jiray, ‘waxaan uga baxay nin rag ahina wuu ogyahay nacasna loo sheegi maayo’ intiinuba waad ogtihiin, qabyaalad iyo waxa uu ka dhamaan waayey tulaay, meel haday qabyaaladi soo gashana reer ma joogo, waxa lagu ololeeyaa hadaynu reer hebel nahay, waar reer hebel waanu nahay laakiin ku shaqayn mayno oo waxa aanu ku shaqaynaynaa waxa ummadda u dan ah.
Waxaan ka mid ahaa todobadii nin ee SNM ugu horeeyey ee u talaaba aniga oo sarkaal ah, waxa loo soo maray ayaan ogahay, nin walba halkaan kaga imid ayaan ogahay oo halka uu jiifaan ogaa, qabyaalad ugu hiilin maayo ee qaranimaan ugu hiilinayaa, wax alla wixii dalkan u shihiiday nin walba halkuu ku shahiiday iyo nin walba halkaanu kaga nimid ayaanu garanaynaa, qabyaaladi waxba ma tarayso ee qaranimaa anfacaysa.
Kulmiyaa ka dhigan gala hudheelka, Waar gali mayno oo hodhuulka Kulmiye hadaanu maraq digaag iyo xawaash toona lahayn gali mayno” ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-Cade).