Somaliland: Masuulkii Labaad Ee Xukuumadda Ka Tirsan Oo Kalsooni Darro Awgeed Doorbiday Inuu Ku Biiro Golaha Wakiillada Muddo Xileedka Xukuumadda Ee Gabaabsiga Ah Aweed

Date:

Golaha Wakiilada Somaliland waa hoyga ugu weyn dhinaca sharcidejinta Somaliland waxaanu ka koobanyahay 82 xildhibaan oo laga soo doortay guud ahaan deeganada Somaliland, Alle Naxariisti Janno Haka Waraabiye Xildhibaan Xamse gaaddaweyn wuxuu kamid ahaa xildhibaanada golaha wakiilada waxaana uu maalintii isniinti ku geeriyooday magaalada hargeysa iyadaa oo isla maalintii salaasada lagu asaay xaablaha naasa hablood, ka hor intaan la asiin meydka Xildhibaan Xamse gaadaweyn waxaa xarunta golaha wakiilada iska soo xaadiriiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Faraax oo sheegay inuu yahay xil sugaha ugu horeeyay xilligan, isagaa oo hayaa mansabka agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland, waxaanay arrintaasi khilaaf xoogan ka dhex abuurtay qoyska uu kasoo jeedo alle ha unaxariiste Xamse Gaadaweyn, iyo agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha , Khilaaf xoogan ayaa ka dhashay kadib markii warqad ay komishanka dorashoyinka qaranka Somaliland uu qoreen agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Farax si loogu dhaariyo mansabka xildhibaanimo ee uu ka baxay alle ha naxariiste Xildhibaan Xamse Gaadaweyn, Balse arrintaas waxaa ka biiyo diiday qaar kamida xildhibaanada golaha wakiilada iyo qoyska ukasoo jeedo marxuum xildhibaan Xamse Gaadaweyn iyagaa oo ku doodayaa inay xaq uleeyihiin inay soo buuxsadaan booskan uu ka geeriyooday xildhibaan Xamse Gaadaweyn, balse agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Cabdilaahi ismaaciil farax ayaa kusii adkaysaanay inuu ku fadhiisto booskan uka geeriyooday xildhibaan Xamse gaadaweyn.
Mar aanu uu kurgalnay inaanu ogaan nidaamka loogu soo doortay Alle ha unaxariiste Xildhibaan Xamse Gaadaweyn ayaa naloo xaqijiiyay inuu booskan ku yimid nidaamka isxaambarka ee ku sallaysan qabiilka,, waxaana lagaa soo xulay gobolka buhoodle, oo uu dhalasho ahaan kasoo jeeday alle ha unaxariiste xildhibaan gaadaweyn. Si kastaaba ha ahaate agaasime Cabdilaahi ismaaciil Farax ayaa muddo 7sanadood ah kamida xukuumadda madaxweyne siilaanyo, iyadaa oo aan lagu samaayn wax isbadal,ah tan iyo markii loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaarad beeraha, waxaana 2010 loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada beeraha, ilaa iyo maantana hayaa xilkaas balse waxaa uu imika doorbiday sida muuqata inuu iska casilo xilka uu ka hayo wasaarada beeraha Somaliland islamarkaana uu kamid noqdo xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...