iyadoo gobolo badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya laga diiday lacagta noodka kunka shiling ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre oo kormeer shaqo ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa kala hadlay maamulka soo saarista lacag cusub oo shiling Somalia ah oo bedeli doonto midda hadda jirta
wuxuu maamulka Bankiga dhexe kala hadlay dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatay adeegsiga lacagaha been abuurka ah , waxaana uu tilmaamay muhiimada ay leedahay soo saarista lacag cusub oo dalku yeesho , tayeynta shillinka Soomaaliga iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo lacagta faalsada ah.
dhinac kale Wasiirka kowaad intii uu kormeerkiisa ku jiray wuxuu booqday wasaaradda Batroolka iyo Macdanta halkaasi oo warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta wasaaradda taasi oo ku saabsan sida ay u socdaan howlaha wasaaradda.
Ra’iisul Khayre wuxuu sidoo kale qeyb kamid ah waqtiisa shaqadda siiyey in uu muwadininta Sooomaaliyeed uga jawaabo talooyin iyo tusaalooyin ay ku soo diren Email loogu talagalay in dadka Soomaaliyeed ay ugu soo diraan talooyinkooda.
Mudane Xasan Cali khayre ayaa dadkii u soo diray fariimaha si caadi ah ugu jawaabayey isla markaana u sheegyeyey in Dowladdu ay ku shaqaynayso Aragtidooda wanaagsan.