Jaha-wareer Ka Taagan Dekedda Berbera, Maraakiib Rar Sida Oo Bil Ku Dhawaad Ku Xanniban Dekedda Iyo Shaqaalaha Muruqmaalka Dekada Berbera Oo Ku Dhaqaaqay Shaqo Joojin

Guud ahaan Maamulka iyo hawlmaalmeedka Dekeda Berbera ayaa maalmihii u dambeeyay qasan waxaana isasoo taraya warar dhiilo leh oo ku saabsan ismarin-Waa ka dhex aloosan Ganacsatada Waa weyn ee reer Somaliland ee alaabada kala soo degi jirtay Dekeda,iyo sidoo kale tacadiyo lagu hayo shaqaale waynaha Dekeda Berbera,gaar ahaan Muruq maalka,Waxaana Habeen hore Nuskii Danbe ay shaqaalaha Waaxda Stevedorns Ee Dekeda Berbera Joojiyeen Dhamaan Shaqadii ay Ka Wadeen Dekada Berbera,gaar ahaan waaxda qaabilsan Dejinta iyo Rarida Dekada Berbera,ooTiradooda lagu sheego inay kor u dhaafayaan 428 Qof Oo Shiftiyo Kala Duwan Gala, waxa sidoo kale ku xaniban Dekeda maraakiibtii ugu badnayd,oo muddo bil ah khilaaf jira awgeed loo rogi laayahay iyadoo ay dhinaca kalena ka aamusan tahay Xukuumaddu inay farogalin ku samayso Dekeda oo ay kala dhex gasho maamulka shirkada Dp-World iyo Ganacsatada.
Tan iyo Intii Shirkada Dp World La Wareegtay Maamulka Dekada Berbera Waxaa taagnaa Isasoo tarayay isfaham la’aan xoogleh oo ka Dhexeeysay Shaqaalahan Muruq Maalka ah iyo Masuuuliyiinta Shirkada Dp World, Masuuliyiiintan Shaqaalahan Ayaa Bishan Julay Horaanteedii Qoraal U Qoray Maamulka Dekada Berbera Waxaanay Ku Cadeeyeen In Aanay Shaqayn Doonin Marka Taariikhdu tahay 6 Bisha Julay 2017. Hadaba Shaqo Joojintan Ay Ku Dhawaaqeen Masuuliyiinta Waaxdan Muruqmaalka Ee Dekada Berbera Habeen hore Waxay Qoraal u qoreen Maamulka Dekeda Berbera.
Waxay shaqaalaha shaqa joojinta sameeyay ugu baaqeen Xukuumadda dhexe ee Somaliland inay soo dhex gasho Qaska ka taagan Dekeda Berbera iyo Ismarin waaga u dhexeeyay Shaqaalah Muruq maalka ah ee Dekeda ee cabanaya,waxaanay Maamulka Shirkada Dp World ay Ku Eedeeyeen In Aanay Ogalanayn Xuquuqda Shaqo Ee Muruqmaalku Leeyahay, Heshiisyadii Ku Meel Gaadhka Ahaa Ee Lagu wadashaqaynayayna ay marwalba ka baxayaan. Gudoomiyaha muruq maalka Dekeda oo lagu magacaabo Ciise ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay In 6 kamida Shaqaalaha Muruqmaalku Ku Dhaawac Meen Shaqada Dhexdeedii waxaanu Yidhi “Wali kama hayno wax garawshiyo iyo Xaq Toona Shaqaalahaa naga Dhaawacmay, Heshiiskayaga Ku Meel gaadhka ahana way ku Qoran tahay In ay Bixiyaan Wixii Khasaare Soo gaadha Shaqaalaha Muruqmaalka Dekada Berbera” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiyaha muruq maalka oo la hadlay Warbaahinta.
Shalay illaa Xalay shaqada Dekeda Berbera Way taagnayd waxaana Dekeda Ku Xaniban Ugu Yaraan Shan Markab oo ah Kuwa Xambaara Koonteenarada,Waxaanay kala yihiin:
M V Kota Handhel Pill
M V Tina Shirkad Iss
M V Kalis Shirkada C M A
M V Agata Shirkada M S C
M V Samia Praite Shirkada Berbera Shping
Sidoo kale waxaa Xiligan Dekada Berbera Taagan labo Markab oo uu saaran yahay rar sibidh ahi Oo Mudo Taagan Bada qaybta Loo yaqaan Angarage Walina Aan Lagu Soo Xidhin Dekada Berbera.
Sidoo kale Waxaa Bada taagan Illaa Bishii Ramadaan Markabka la Yidhaa MV Nawl Kaas Oo Sida Kaargoo u Badan Baabuur , Sida Aay Noo xaqiijiyeen saraakiil sare Oo Dekada Berbera ka Tirsan ,Hawlmaameedkii Dekada ee Xaamiga Usocon Jiray waxaa xanibay Qalab La,aan Maadaama Aanay Shirkada Dp World Lasoo Degin Wax qalaba Oo Cusub Marka Laga Reebo Ayaay Yidhaahdeen Qabaha Koonteenarka Lagu Qaado iyo Liftaro Yar yar Oo Aan Awood Lahayn, Qabana Kari waayay Shaqadii Dekada taalay.
Shirkada Dp World ayaa Maamulaysay Dekada Berbera Mudo Ku Siman 6 Bilood iyo Dheeraad Illaa Iminkana Adeegii Dekada Berbera Cabasho Ayaa ka Taagan, Ganacstada wax kala Soo Degta Ayaa Wali Cabasho Xoogan ka Muujinaya Adeega shikada Dp World ay Bixiso Waxaanay Sheegayaan Ganacsatada Qaarkood In Maraakiibta Koonteenarada xambaara Lagu Dejin Jiray Ka Hor Dp world 48 Saacadood Ugu badnaan , Maantana Wiig ayay Taagnaadaan maraakiibtaasi.

Comments

comments