Somaliland: “Anigu Haddii Aan Qabyaalad Doonayo Reerkayaga iyo Siilaanyo Ayaan La Joogi Lahaa, Laakiin Waxaan Sheegay Inaan Giraan Samaynayo Ficil Ahaan-na Waan Ku Muujiyey” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Xirsi Oo Ka Hadlay Eedaha Musuq-maasuq ee Dadka Qaar U Jeediyaan iyo Mawqfikiisa Ku Aaddan Qabyaaladda

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay eedaha la xidhiidha musuq maasuqa ee dadka dhaliilaa ay ku eedaayaan inuu ku kacay wakhtigii uu wasiirka madaxtooyada ahaa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa beeniyey wararka had iyo jeer dadka qaar ku cel-celiyaan ee sheegaya inuu adduun badan musuq maasuqay wakhtigii uu xukuumadda ka tirsanaa, waxaana uu dadka eedahaas u soo jeediya ka codsaday inay keenaan wixii cadaymo ah ee muujinaya inuu hanti dawladeed iyo mid shakhsi ahba lunsaday, sidoo kalena waxa uu sheegay inaanu siyaasadda lacag u soo gelin, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Anigu nin adduunnyo markaan xilka joogayna maan ahayn haddana ma ihi, haddii aan adduunyo doonayo sherkado ayaan ka shaqaynayay oo Somtel baan Guddoomiye ka ahaa dadka dalka ugu mushaharka badan ayaan ka mid ahaa siyaasadana lacag laguma doono markaa haddii aan lacag doonayo sherkadaha dalka ugu waaweyn ee ugu lacagta badan baan ka sii shaqayn lahaa, laakiin se waxaan doonayay inaan wax bedelo himiladii iga guuxaysay inaan muujiyo wax badan oo ka mid ahna way ii suurto galeen mudadii aan Madaxwaynaha la shaqaynayay, haba yaraatee xaaraantana la iguma yaqaano mana cuno ta umadda iyo tu qof leeyahay toona xaaraan yahanna ma ihi, qofkii haya hal dollar oo tuugo ah oo uu isagu i siiyey ama meel ii taalla dee banaankuu keeni karaa, meelna lagama soo helayo ehel xaaran-na ma ihi oo ilaahay baan ka magan galay”

Geesta kale Xirsi Xaaji Cali oo u waramayay telefishanka Horn Cable TV ayaa sharaxay dhibaatada ay qabyaaladdu Somaliland u gaysatay waxaana uu sheegay in aafada ugu wayn ee Somaliland haysataa ay tahay qabyaaladda, sidoo kalena waxa uu ka hadlay sidii loo cidhidbtiri lahaa, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“waxaan aaminsanahay inay tahay aafada koowaad ee bulshadeena haysata, bulsho walba xanuun baa haya oo dib u rida oo laga daweeyaa, bulsho walba meel bay u nugushay oo dhibaato kaga furan tahay, qabyaaladdu waa meesha koowaad ee dib u dhigtay (bulshadeena) ilaahay waxaynu ka baryaynaa inuu inaga daweeyo inana waxaynu u tabcaynaa xisbi ahaan inaynu meesha ka saarno, had iyo jeerna saaxiibadayda iga soo horjeeda ayaa ku ololeeya laba reer baynu nahay waxaanan odhan lahaa waar qabyaaladda ka daaya qaranku qabyaalad ku jiri maayo, qaran baynu wax ku noqon karaa ee qolo waxba ku noqon kari mayno, haddii aan qabyaalad doonayaana Siilaanyo iyo reerkayaga ayaan la joogi lahaa, barnaamijka xisbigayagana waxaa ugu horaysa sidii umadda loo midayn lahaa, dee aniguna astaan baaban bixiyey ahayd jeegaantii waxaan ku bedelayaa giraan, markaa aniga waaba ujeedkayga, ficilna waan ku muujiyey aragtina waan u samaystay aan ku bedelo”

Comments

comments