Somaliland: “Sicir-bararkan In Aafeeyay Maanta Halka Uu Gaadhay Waligii Muu Gaadhin, Haddii Aynu Xoolaha Wax Saarayno Mar Hore Oo Xoolaha laynaga Jojiyay Ayaa Jirta Oo Laba Sannadood Ayna Xoolaheenu Dhoofaynin” Xildhibaan Gacan

Date:

Sicir-bararka iyo qiimo dhaca lacagta shillinka Somaliland oo shantii bilood ee u dambeeyay maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacayey, ayaa Toddobaadkan gaadhay in Qofku marka uu Dollarka sito Boqolka Dollar loogu sarrifo 950,000 kun oo Shilinka Somaliland, halka marka qofku Shilinka sito Boqolka Dollar lagaga iibinayey lacag gaadhaysa 970,000 oo Shilin.

Qiimaha sarreeya ee Dollarka, ayaa si toos ah saamayn ugu leh Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, sababta oo ah Ganacsatada Raashinka keena Somaliland iyo kuwa sii tafaariiqeeya ayaa Raashinka ku iibiya Lacag Dollar ah, haddii Qofku sito Lacag Shilinka Somaliland ahna ugu qiimeeya heerka uu Dollarku ka marayo Suuqa, taasina waxay si toos ah taabataa Shaqaalaha Dawladda, Ciidamada Qalabka sida iyo Ganacsatada yaryar ee khudaarta iyo waxyaabaha la midka ah nolosha ka Raadsada.

Gollaha guurtida Somaliland ayaa shalay dood adag ka yeeshay Sicir-bararka naafeeyay bulshada reer Somaliland waxaanay baaq dheer u direen xukuumadda.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo hadal u jeediyay xildhibaanada gollaha guurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in la joojiyo badeecadaha Itoobiya ka imanaya ee lacagtooda ay ku bedelanayaan dollarka waxaanu yidhi “Itoobiya waxa inooga timaada badeecad badan oo qaadku ka mid yahay oo khudradu ka mid tahay lacagta wax shillinka Somaliland ka soo baxa casarka ayaa lagu doonaa dollar waxa aan leeyahay lacagtaa Itoobiya gobol walba ha ka furto bangi ay ku haysto lacagtii birta ahayd, casarka xoolahoodu waxa ay u gooyeen ee lacagta Somaliland ahaa ha ku bedelaan halkii doollar laga bedeli jiray lacagtooda oo taayada ha nooga tagaan toodana ha qaataan” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg.

“guddoomiyaheeniina waxa uu leeyahay wasiiradda yaan loo gaynin iyaga ayaan jaangoynta leh, cid kale wax jaangoyn kartaa ma jirto waxa aan leeyahay waa in loo yeedho, sababta loogu yeedhayaa maxay tahay, sicir-bararkan maanta in aafeeyay halka uu maanta gaadhay waligii muu gaadhin, haddii aynu xoolaha wax saarayno mar hore oo xoolaha laynaga joojiyay ayaa jirta oo ay laba sannadood xoolaheenu aanay dhoofin dee sicir-bararku halkan inagumuu gaadhin jaan-goyn ayaa jirtay” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka tirsan mudaneyaasha gollaha guurtida Somaliland ugu da’da weyn.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhowr jeer go’aamo ka soo saartay Qiimaha Sarrifka Dollarka, iyadoo soo jeedisay inaan boqolka dollar la dhaafin karin inta u dhaxaysa Toddoba boqol oo kun oo Shilin iyo 750,000 kun oo Shilin, laakiin waxba kama hirgelin.

Shacabka Somaliland, gaar ahaan Ganacsatada yaryar ee Dalka oo dhowr jeer sameeyay Shaqo-joojin ay kaga cabanayaan Sicir-bararka Dollarka oo saameeyay Noloshooda, ayaa hadda u muuqda inay ka quusteen inay Xukuumadda Somaliland wax ka qabato dhibaatada uu dollarku ku hayo Dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...