Aduunka maanta aynu korkiisa Alle SWT inugu uumay waxa la kala dhaxlo waxa ugu qiimo baddan Sooyaalka taariikheed ee soo jireenadii inaga horeeyey ku sugnaayeen, maantana sida loo kala taariikh wacan yahay ayaa laysu qadariyaa.
Jabhadii xaqudirirka ahayd ee SNM waxa ka mid ahaa ku dhawaad toban kun oo nafdood hurayaal, nin walba oo duurka galay oo xeryaha Jabhadaas qadamida qalalayd ku soo ruugay diinkana ku soo qashay baal dahab ah ayuu kaga jiraa sooyaalka SNM, in lagaga duudsiyaana waa danbi qof Geesi ah laga galay.
Dhallinyarada aan mabaadiida siyaasadeed ku kala diwanahaya ee Xisbiga Waddani waxay caado iyo camal ka dhigteen inay duudsiyaan qayb ka mid ah Halgankii Somaliland loo gooni isu taageeda loo soo maray, Muuse Biixi Cabdi waa rukun ka mid ah rukunada ay ku taagantahay Taariikhdaasi, ka sakow guutooyinkii uu horjoogaha ka ahaa oo muuqaaladoodii maanta la hayo Muuse wuxuu shir gudoon ka ahaa shirkwynihii Bali-gubadle ee Guddoomiyihii ugu danbeeyey ee SNM lagu doortay Marxuum mujaahid Madaxwayne C/raxmaan Tuur, shirkaas uu Muuse madaxda ka ahaa wuxuu waxa lagu doortay hogaankii Guushii SNM horseedka u ahaa, Muuse taariikhda ayey ugu qoran tahay.
Waxa Ceeb iyo Caqli xumo ku ah taariikhda SNM ay ka mid ah la caadaysto in si cadaana loo dafiro, Waddani waa Xisbi Qaran hadaanu Gudoomiye Cirro qayb ka ahayn halkankaa hubaal niman badan oo ku jira ayaa hormuudadii SNM ka mid ahaa qofof ka mid ahi mujaahidiin yihiin, dhalinyarada Xisbiga Waddani qarankay qiimihiisa wax yeelayaan oo caqliga ummaday caayayaan markay taariikhda Muuse daadifaynayaan saaxiibayaal Muuae waa taalo aynu wada leenahay ee dhankiina ka dhawra ilaalintiisa iyo ixtiraamidiisaba…
Maxamuud Axmed Baar-cad