Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay hubinayso in Somaliland ay saamigeeda cadaaladd ku hesho deeq mucaawimo ah Ingiriisku ugu tallo galay arrimaha bini’aadatinimo iyo abaaraha ee guud ahaan Somalida.
Wasiiru dawlaha dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Barwaaqo Sooranka iyo horumarinta Caalamiga ah Mr Roryy Stewart oo Baarlamaanka Ingiriiska uu xildhibaan Stephen Doughty dhawaan ku waydiiyey saamiga deeq ah ee uu Ingiriisku Somaliland kaga caawiyey abaaraha 12-kii bilood ee lasoo dhaafay ,ayaa waxa uu wasiirku sheegay in dawlada Ingiriisku hay’adad DFID ay u marisay Somaliland iyo Somaliya deeq dhan 38,7 oo lacagta Ingiriiska ah ,gaar ahaana intii u dhaxaysay July ilaa December ee 2016 iyo waliba 107 Milyan lacagta Uk ah oo la qoondeeyey Jeenawari 2017 si wax loogaga qabto abaaraha guud ahaan haysta Somaliland iyo Somaliya,wuxuuse sheegay in Ingiriisku hubinayo in deeqdaasi ay Somaliland qaybteeda hesho.
“Ma diiwaangalino caawimada Somaliya aanu siino,sida uu dalka gudahiisa usii kala qaybsado,laakiin Kaalmadayada bini’aadamnimo waxa aanu ku salaynaa uun baahida hadba jirta annaga oo hubinayna in Somaliland ay saamigeeda si cadaaladd ah u hesho”