Fannaanada caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan), ayaa sheegtay in mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland wanaagsanaan doono oo ay maalin uun aqoonsi caalami ah ka heli doonto caalamka.
Fanaanadu waxay intaas ku dartay in aanay Somaliland quusan doonin waligeed, waxaanay sidaas u sheegtay Telefishanka caalamiga ah ee CNN oo ka waramay nolosheedii halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo marxaladda xiligan Somaliland ku jirto oo ay raadinayso ictiraafkii diblomaasiyadeed.
Telefishanka CNN, waxa uu warkaas ciwaan uga dhigay “Xiddigadu waxay u heesaysaa aqoonsiga Somaliland”, waxaannu u qornaa sidan:-
“Sahra Halgan waxay ka mid ahayd dad badan oo ka qaxay Somaliland, markii taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, uu burburiyay Somaliland. Caasimadda Hargeysa waxay xiligaas isku beddeshay mid burbursan, waxaana dhulka lala simay adeegyadii guud iyo wax kasta oo dadku haysteen.
Muddadii ay socdeen dagaaladii Soomaaliya siddeetamaadkii illaa horaantii sagaashankii, Sahra Halgan, waxay ku shaqeysay kalkaaliso caafimaad, laakiin waxa mar walba hiwaayadeedu ahayd fanka.
Jabhadii dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee SNM (Somali National Movement), waxay la dagaalantay ciidammadii Soomaaliya ee fadhiyey gobolladii waqooyi ee imika ah Somaliland, ilaa ay gacanta ku dhigeen sannadkii 1991-kii.
“Maanu haysan wax daawo ah iyo wax xannuun-joojiye ah midna, waan u heesi jiray, heesahayguna waxay ahaayeen xannuun-joojiye,”ayay Sahra Halgan u sheegtay CNN.
Waxay ku luuqeyn jirtay heeso nooleyn jiray ruuxda iyo niyadda dagaal yahannadii SNM ee ridayey wakhtigaas dawladdii Siyaad Barre. Waxa kaloo caan noqday heesaheeda ay ku doonayso in Somaliland ay hesho aqoonsi caalamiya.
Sahra Halgan waxay ka tagtey Somaliland sannadkii 1991kii, waxaanay degtay waddanka Faransiiska, kumay fikirin inay soo laaban doonto. waxay aaminsanayd in dhaqanka qaniga ah ee dalkeedu uu isna khasaare ka soo gaadhay dagaalkii. Waxay ku soo laabtay dalka si ay uga qaybgasho dib-u-dhiska Somaliland.
Sahri waxay ka furtay Somaliland xarunta farshaxanka iyo dhaqanka ee Hiddo-dhowr oo ah meelaha miyuusiga laga tumo ee Somaliland.
“Dhallinyarada dhammi waxay ku hamiyi jireen inay tagaan Yurub (Europe), sababtoo ah waxba ma yaalaan halkan,”ayay tidhi, waxaanay intaas ku dartay; “Laakiin imika xaruntan Hiddo-dhowr waxay ka helaan dhallinyaradu madaalo heeso iyo qoob-ka-ciyaar.”
Hiddo-dhowr waxa loo dhisay naqshad ahaan hab dhaqameedka aqal Soomaaliga, waxaana laga helaa suugaan iyo muyuusig, waxay ku furtay xaruntan taageero dhaqaale oo ay ka heshay sanduuqa Somaliland Business Fund oo qayb ka ah mashaariicda Baanka Adduunka, waxaana ka hawlgala labaatan qof. Inkastoo Somaliland 26 sannadood ay nabadgelyo ku naaloonaysay, tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii , ma jiro dal kaliya oo aqoonsaday qaranimadeeda. Sahra Halgan iyo koox faneedkeedkeeda waxay doonaysaa inay u halgamaan aqoonsiga Somaliland oo ay gaadhsiiyaan caalamka oo dhan. Waxay ku rajo weyn tahay in Mustaqbalka Somaliland uu wacnaan doono; “Mustaqbalku wuxuu noqon doonaa mid wanaagsan, waxaanan maalin uun heli doonaan ictiraaf, waligayo ma quusan doono.”