Somalia: Wasiir Beyle : Lacagihii ay Turkiga noo balanqaadeen wali nama soo gaarin

Date:

Wasiirka wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in muddo saddex bilood aanay qasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu balan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda.

Dowladda Turkiga ayaa bishii April ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeyso lacag gaareysa labo milyan oo dollar bil kasta, si ay kab ugu noqoto miisaaniyadda dowladda

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiirka oo maanta hortagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo uu kaga jawaabayay su’aalo laga weydiiyay miisaaniyada sanadka ayaa sheegay in aanay jirin wax kaalmo lacageed oo dibadda ka timid.

Sidoo kale Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay mushaarka ciidamada iyo meelaha ay ka yimaadaan, isagoo xusay illaa bishii February ciidamada la siinayay mushaarka, waxaa uu tilmaamay inay ku dadaali doonaan sidii mushaarka ay dowladda u bixin laheyd oo laga kaaftoomi lahaa meelaha ay ka yimaadaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...