Shacabka deegaanka Balli-hiille oo katirsan gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha xibsiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo shalay safar ay ugu guur gelayaan qaadashada kaadhadhka ku maray deegaankaas.
Dadweynaha deegaanka, ayaa iyaga oo isku duuban waftiga ka hortegay, iyaga oo lulaya astaanta caanka ee xisbiga KULMIYE iyo caleemo qoyan, waxana ay waftiga ku qaabileen wafi furan oo farxadi ka muuqato, iyaga oo muujiyey sida ay deegaan ahaan u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE.
Waftiga oo ay heeraha ka socdaan shacabka deegaanka Balli-hiille, ayaa loo galbiyey dhinaca dugsiga hoose/dhexe ee halkaas ku yaalla, waxana halkaas hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq u badan ka jeediyey waxgaradka, haweenka, aqoon yahanka, dhallinyarada iyo haldoorka deegaanka, kuwaas oo si isku mid ah u sheegay inay cod iyo cududba garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo guddoomiyihiisa, isla markaana ay xukuumadda haatan talada haysaa wax badan u qabatay, iyaga oo goobta ka sheegtay qabyooyin u baahan in la dhammaystiro.
Xubno ka tirsan waftiga guddoomiyaha oo ay kamid yihiin wasiirka hawlaha guud Md. Cali Xasan Maxamed(Cali-marreexaan), wasiir ku-xigeenka wasaaradda madaxtooyada Md. Cali Dhegoole, badhasaabka gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax) iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhaweynta ballaadhan ee shacabku u sameeyeen iyo sida xilkasnimada leh ee ay u muujiyeen taageerada ay KULMIYE u hayaan, waxana halkaas lagaga ballan qaaday in dhammaanba wixii tabashooyin ah eek u jira dhinacyada ammaanka, caafimaadka iyo arrimaha bulshadaba la dabooli doono.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa shacabka ku dhaqan deegaanka Balli-hiille ugaga mahad celiyey soo dhaweynta layaabka leh ee ay ku qaabileen iyo sida ay taageerada ay KULMIYE u hayaan u muujiyeen, waxana uu ku boorriyey inay isku tashadaan, isla markaana u midoobaan inay deegaankooda horumarkiisa ka shaqeeyaan.
Somaliland: Mahrajaanno Taageero ah oo Shacabka Deegaanka Balli-hiille Ku Qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo
Date: