Dawladda Soomaaliya, ayaa bilowday Rakibaadda Qalab la sheegay in lagu maamulayo Hawada Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ay Somaliland-na ka mid tahay
Dowladda Soomaaliya ayaa iyadoo iska indho-tiraysa Dawladnimada Somaliland waxay doonaysaa inay maamusho maamulka Hawada, kulana socoto dhaqdhaqaaqa hawada Soomaaliya.
Maareeyaha Guud ee hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa Warbaahinta u sheegay in si rasmi ah muddo 27 sanno kaddib laga maamuli doono Hawada Soomaaliya magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal xoog leh ugu jirta in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO ugu soo wareejin lahayd Maamulka Hawada Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ay illaa hadda Maamulkeeda Gacanta ku hayso.
Rakibaadda Qalabka Maamulka Hawada ee laga bilaabay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya Xilli aanay ICAO si rasmi ah u wareejin Maamulka Hawada, maaddaama oo ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa dhawaan sheegay in Hay’adda ICAO ballan-qaadday in aanay Maamulka Hawada ku wareejinayn Soomaaliya, illaa inta Soomaalidu ku heshiinayso.