Somalia: Ra’iisal wasaare Kheyre oo sheegay in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya xukuumadda iyo baarlamaanka

Date:

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo sheegay in uusan jirin khilaaf waqtiga ku dhaxeey xukuumada iyo baarlamaanka federaalka.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo khubad ka jeedinayay kulan magaalada Kismaayo uu kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan u dhaxeyso Hey’addaha dowladda.

“Ma jiro xiligan wax khilaaf ah oo u dhaxeeya hey’addaha dowladda, waxaa joognaa waqtigii ugu wanaagsanaa ee wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa xili dhawaan ay soo baxeen warar sheegayay in guddiga joogtada ah ee baarlamaanka su’aalo ka weydiiyeen xiisada ka dhalatay hadal uu jeediyay Sheekh Nuur Baaruud oo ay xildhibaannada qaar u fasirteen in uu ahaa mid bulshada lagu kicinayo khatarna ku ah amniga xildhibaannada.

Kulamada ugu soo horeeya ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ajnayaasha looga dooddi doono qeyb ka tahay arinta la xisaabtanka xukuumada taasoo dad badan ay shaki ka muujinayaan in laga keeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Kheyre.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...