Dhacdo aad u naxdin badnayd isla markaana ka yaabisay dadkii goob jooga u ahaa iyo kuwii ka dawaaday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, muuqaalkaasi oo muujinayey in hoggaamiye ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Mucaaridka Dalka Ukraine oo ku labisan Dirayska ciidanka isla markaana Khudbad ka soo jeedinaya goob fagaare ah uu geeriyooday.
Muuqalkan ayaa waxa uu sidoo kale muujiyay Hoggaamiye Piotr Foshko oo ay Da’diisu ahayd 91 jir isla markaana hoggaamiyaha ururka Mucaaridka ah ee OUN-UP oo si kadis ah u dhacay markii uu dhacay kadibna waxa la xaqiijiyay inuu isla goobtii ku geeriyooday oo aanay naf ba ku jirin, dhacdadan aadka u naxdinta badan ayaa waxay ka dhacday tuulada Krakow ee Dalkaasi, waxaana Munaasabadaasi loogu dabaal dagayay maalintii dhalashada Hoggaamiyihii aasaasay xisbigaasi OUN-UP ee magaciisa la odhan jiray Roman Shukhevich oo haatan la joogo muddo 110 sano ah.