Shacabka ku dhaqan deegaanka Balli-gorod oo ka tirsan gobolka TOgdheer, ayaa hadhimo-sharafeed qiimo badan oo ay weheliso soo dhaweyn diirrani ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Hadhimo-sharafeedda ay shacabka deegaagaanka balli-gorod ku maamuuseen guddoomiye Muuse Biixi Iyo waftiga uu hoggaaminayo, ayaa waxa hormood u ahaa cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada, waayeelka, waxgaradka,haweenka, wasiirrada, xildhibaannada iyo haldoorka kale ee beesha, waxana ka hor intii aan hadhimada la gaadhin ay kumanaan ka tirsan shacabka deegaanku guddoomiyaha iyo waftigiisa soo dhaweyn diirran ugu sameeyeen isla deegaankaas, iyaga soo bandhigay cudud laxaad leh oo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Munaasibad kooban oo hadhimada hortooda isla deegaanka lagu qabtay, ayaa waxa hadallo guddoomiyaha iyo waftigiisa loogu mahadnaqay ka jeediyey, salaadiin, wasiirro, xildhbaanno, cuqaal, haween iyo siyaasiyiyiin beesha katirsan, waxana ay si isku mid ah u sheegeen inay beeshu ka siman tahay taageerada ay u hayso xisbul-xaakimka KULMIYE.
Xubno kamid ah waftiga uu guddoomiyuhu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin wasiirka Hawlaha guud Md. Cali Marreexaan, xildhibaan Axmed Wayso-cadde iyo saraakiil kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si hufan uga mahadnaqay soo dhaweynta indhaha soo jiidatay ee ay shacabka deegaanka Balli-gorod u muujiyeen xisbiga KULMIYE, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay taageerada shacabka deegaanku marag ka tahay cududda uu xisbigu ku leeyahay Qabri-gorod.
Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka deegaanka Qabri-gorod ku bogaadiyey taageerada iyo soo dhaweynta diirran ee ay isaga iyo waftigiisa ku qaabileen, waxana uu ku hambalyeeyey sida anshaxa iyo milguhu ku dheehan yahay ee ay ula dhacsan yihiin siyaasadaha xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa.
Somaliland: Shacabka deegaanka Balli-gorod oo Hadhimo sharafeed Soo Dhaweyn Diirran Wadata ku qaabilay guddoomiyaha KULMIYE iyo Wafti uu Hoggaaminayo
Date: