Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo oo muddo safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in maalinka barri ah oo Jimce ah dalka dib ugu soo laabto.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa safar gaar ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta muddo dhan 28 cisho,waxaana madaxwayne Siilaanyo maalinkii uu ka dhoofayey madaarka Hargeysa ay sheegtay in madaxwaynuhu safar maalmo tobaneeyo cisho ah qaadanaya oo gaar ah uu ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta,balse safarka madaxwayne Siilaanyo ayaa qaatay muddo 28 cisho ah.
Waxaaa soo if baxay warar sheegay in madaxwayne Siilaanyo ku xanuunsanayo dalka Imaaraadka Carabta,taas ayaa waxa ka jawaabtay madaxtooyada Somaliland,iyaga oo sheegay in madaxwaynuhu caafimaad qabo,sidoo kalena laga soo duubay madaxwayne Siilaanyo muuqaal uu ku sheegayo inuu caafimaad qabo.
Gabagabadiina madaxwayne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maalinka barri ah dalka dib ugu soo laabto.