Somaliland: Iibsashada Kaadhadhka Codbixiyayaasha Oo Burco Iyo Hargeysa Ka Bilaabmay+Cidda Iibsanaysa Iyo Qadarka Lacagta Lagu Kala Iibsanayo Oo Xogo Kasoo Baxayaan

Date:

Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka Ramaasnews kana soo gaadhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa waxay sheegayaan in ay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo waliba deegaanada hoos yimaada ay ka bilaabmatay iibsashada kaadhadhka codbixiyayaasha ee qaybintoodu ka socoto gobolada Togdheer iyo Marood-jeex.

Kaadhadhkan codbixiyayaasha ayaa waxa ka iibsanaya muwaadiniinta sida naloo sheegay masuuliyiin ka kala tirsan xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI oo taxan Hargeysa ilaa Burco,kuwaas oo muwaadinka soo qaata kaadhka la galaya ballamo iyo shuruudo adag,iyaga oo taas badalkeedana siinaya qadar lacaga oo ay badhna u qadimayaan muwaadinka kaadhka soo qaatay badhka kalena ay kula ballamayaan inay siinayaan maalinka codaynta.

Sidoo kalena xogahan ayaa waxay noo tibaaxayaan in muwaadinka ay masuuliyiintani ka iibsanayaan kaadhadhka ay dhaarinayaan in uu xisbigooda u codaynayo maalinka doorashada,waxaana qadarka lacaga ee kaadhadhka lagu kala iibsanayaa ay wakhti xaadirkan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ka marayaan $70 (Todobaatan Dollar) halka deegaanada miyiga ah ee hoos yimaada goboladana uu marayo qiimaha kaadhku 45$ (Shan iyo Afartan Dollar).

Masuuliyiintan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI u qaabilsan iibsashada kaadhadhka codbixiyayaasha ee taxan Hargeysa ilaa Burco ayaa ah dhalinyaro xisbiyadaasi ka tirsan,kuwaas oo muwaadin kaste oo kaadhka soo qaata oo  ay arkaana ku qancinaya mid kasteba dhankooda inuu u codeeyo maalinka doorashada,taas badalkeedana la siinayo lacagtaasi marka uu qofka muwaadinka ahi ogolaado shuruudahaasi.

Sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa kusii darayaan in dhalinyaradan xisbiyada ka tirsani ay muwaadinka ay kaadhka ka iibsanayaan ay sidoo kale ku qancinayaan inuu soo ururiyo dhalinyaro iyo haween kale,taas badalkeedana isaga la siinayo lacag dheeraad ah oo ah adeega uu qabtay ah (Commision Service).

Dhanka kale guddiga komishanka Qaranka Somaliland Ayaan iyagu wali ka hadal arrinkan kala iibsashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka ee la sheegay in Hargeysa iyo Burco iyo deegaanada hoos yimaadaba ay ka bilaabmatay.

Gabagabadiina arrinka kala iibsashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka ayaa labadii cisho ee u danbeeyey waxa laga dareemayey gudaha magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo ay ku eeg tahay wajiga koowaad ee qaybinta kaadhadhka codbixiyayaashu maalinka Sabtida ee fooda inagu soo haysa,halka deegaanada magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ka baxsana shalay laga soo gabagabeeyey qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha loona soo dhaadhiciyey kaadhadhkasi degmooyinka Burco iyo Hargeysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...